Guddoomiyaha Guurtida Oo Ka Hadlay Dagaalka Ka Soo Cusboonaaday Dharkan-geenyo

0
489

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay dagaalka ka soo cusboonayd deegaanka dharkeen-geenyo, ee keenay inay mar kale isku dhacaan labada beelood ee walaalaha ah ee deegaankaas wada daga, waxaanu diray baaq nabadeed, isaga oo ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan, oo nabadgalyada qaatan, waxaanu sheegay in dagaalku dhib mooye aanu marnaba dheef la hayn.

wwwwwwwwwwwwwww

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo isagu shalay xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa isaga oo arintan ka hadlaya yidhi “Waxaanu ILLAAHAY ka baryeynaa iyana ku gubaabinaynaa dagaalka in la joojiyo, Rag badan baa inagaga dhintay,Rag  dambe oo inagaga dhintana uma baahnin, waa laba reer oo meel wada degan, oo qoysba qoys la yaal, waxba iskagama hadhaan,waxa loo baahan yahay caqligu inuu shaqeeyo, iyagana waxaan leeyahay dagaalka  joojiyo, oo dhiig baxa dayaa, Qarankiina uu idinla dhiig baxay, dagaalka ha la joojiyo waa bil ramadaan, ducaysta, wax aad isku haysaan, oo aanu maanta aragnaa ma jiro,mar haddii Siyaasad iyo wixii la isku qaban jiray, dagaalka ha la joojiyo, wanaagana ka raaca, taladana waa la qaataye, la idiin soo gurmaye talada qaata, Dibad ayaan la idinka talinin, idinku tashada, ILLAAHAY ha idinka qaboojiyo ayaanu idin leenahay, waxaana ILLAAHAY ka baryeynaa in iyagu intaas gartaan laba qolo ee dagaalamaya”.