Guddoomiyaha Guddida Wanaag Farista Oo Fariin Ciidda La Xidhiidha U Diray Bulshada

0
597

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale ayaa Bulshada Somaliland ugu baaqay in si wacan oo shareecada iyo edaabta Islaamka waafaqsan loo ciido, oo aad looga feejignaado wax walba oo ka hor imanaya dhibna ku ah Diinta Islaamka.

Guddoomiyaha Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq nabadeed u diray beelaha dharkeen-geenyo oo uu ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan, nabadana qaatan waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “Haddii aynu nahay umadda nabi maxamed naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaate umaddaha kale waxaynu kaga fadli badanahay waxaynu is farnaa wanaaga, waxaana iska reebnaa xumaanta, markaas haddii aanu nahay Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista waxaan umadda farayaa gaar ahaan waalidka inay aad u ilaaliyaan tarbiyada ubadka, oo waliba dhar wanaagsan oo shareecada waafaqsan oo asturan u xidhaan ubadkooda, oo walibana hablaha asturaan, oo aanay timaha u soo qaawin, waxaana leeyahay aynu ka feejignaano oo aynu la dagaalano shaydaanka, oo yaanu inaga faa’iidaysanin, haddii aanu nahayn Guddida Wanaag Farista iyo xumaan reebistana waxaanu wacyigelin balaadhan ka sameeynay dhammaan gobolada dalka,waxaana ka digaynaa xumaanta”.

Guddoomiyaha Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale ayaa dhinaca kale waxa uu baaq nabadeed u diray beelaha reer Dhareen-geenyo, waxaanu sheegay in Guddida wanaag farista iyo xumaan reebistu aad iyo aad uga xun tahay dagaalka beelahaas dhexmaray, waxaanu ku baaqay in dagaalkaas la soo af jaro oo nabada la wada qaato.