Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Oo Ka Hadlay Xaaji Saalax Iyo Adhicadeeye

0
494

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan(Saleebaan Gaal), ayaa soo dhaweeyay heshiisyada laga gaadhay dilalkii Xaaji saalax iyo adhicadays, waxaanu daboolka ka qaaday inay ku kor joogi doonaan go’aanada laga gaadhay dhibaatooyinka ka dhacay labadaas deegaan.

Guddoomiye Saleebaan waxa uu sidan ku sheegay kadib markii uu gudiyadii loo saaray dhibaatooyinkii dilalka ahaa ee Xaajisaalax iyo Adhicadays ka dhagaystay warbixintii xalinta mushkiladahaas.

Guddoomiye Saleebaan oo arimahas ka hadlaayay waxa uu yidhi“Labadiina waftiba waad mahadsantihiin oo hawl fiican ayaad soo qabateen, Allena  waxaanu ka rajaynaynaa in sidaas aad ku soo dhamayseen lagu heshiiyo nabadna lagu helo, labada arimoodba mudo ayay inala soo jiitamayeen, wali dhamaystirkeedii labadaba waa uu hadhsan yahay oo fulinta ayaa dhamaystirkii ah, golahu waa uu ka warqabayaa labada dhinacba, waxay ila tahay in aynaan intaas kaga hadhayn oo aynu la soconayno. Arinta Xaaji saalax arinkeedu reer ayaad moodaa inuu saaran yahay, oo labada reer ee isku reerka ah ee dhibku ka dhex dhacay inaguna waynu ku hareero joogaynaa. Ta adhicadays waa ku dul joogaynaa, arintaas labadiina guddoomiye ee labadan dhinac loo kala saaray waa inaad todabaad kasta nala socodsiisaan.”