Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Ka Hadlay Muddo Kordhinta La Hadal Hayo In Madaxweynaha Loo Samaynayo

0
602

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha guuritda Saleebaan Maxamed Aadan, ayaa ka hadlay muddo kordhinta mudoPicture8oyinkan xisbiyada mucaaradka ah ay ka hadlayeen ee ah in loo samayn doono Madaxweyne Siilaanyo.

Guddoomiye Salaabeen Gaal waxa uu sheegay in uu rajaynaayo in doorashada madaxweynuu ay wakhtigeedii ku qabsoonto, isaga oo xusay in xukuumadda haatan wakhti dheer u hadhay oo aanay muuqan duruufo qasbaaya mudo kordhin.

Sida oo kale waxa uu guddoomiye Saleebaan Gaal ka hadlay gudiyadii uu u saaray deegaanada dilku ka dhacay ee Laan-mulaaxo iyo Adhi-cadays.Waxa uu sidan ku sheegay guddoomiye Saleebaan mar uu shalay si gaar ah ugu waramaayay wargeyska Geeska Afrika iyo tilifishanka HCTV, waxaana guddoomiyaha oo arintaas wax laga waydiiyay uu yidhi“Muddo kordhintaas markeedii iyo mawqifkeedii in aanay ahayn ayaan u arkaa,xukuumaddan waxa u hadhay sanad iyo badh ugu yaraan,Alle hayna gaadhsiiyo markaas ayaynu ka taline.maantana wax yanu ka fursan wayno anigu ma arko doorashadiina sanad iyo badh ayaa ka hadhay.waxaanu ku rajo weynahay in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo.”

Sida oo kale guddoomiye Saleebaan waxa uu si kooban uga hadlay guddi ay dhawaan u saareen dilkii ka dhacay Laan-mulaaxo iyo Adhi-cadays, waxaan hadaladiisa ka mid ahaa “Dilka Adhicadeeye iyo Kan Laanmulaaxaba soo noqnoqosho ayay leeyihiin, rag kooban ayaanu u dirnay Adhicadeeye oo ah ragii barigii hore arinta galay, waxaana hogaaminaya Caydiid Cabdi Uurxaydh,Laanmulaaxna waxa hoggaaminaya Suldaan Ismaaciil,waxaanu is leenahay hawsha waa ku filan yihiine ee duceeya in Alle ku guuleeyo.”