Guddoomiyaha Gobalka Sool Iyo Suldaan Ismaaciil Oo Ka Hadlay Nabadaynta Beelaha Dharkan-geenyo

0
584

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) iyo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed oo ka tirsan Golaha Guurtida, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddidii uu Madaxweynuhu u magacaabay inay dhex galaan oo ay soo heshiisiyaan labadii Beelood ee ku dagaalamay Dharkeen-geenyo, ayaa sheegay  in labada Beeloodba dhaarteen oo ay qaateen nabadii, Ciidamadiina kala guran doonaan wixii hadda ka dambeeya.

1

Guddoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise Mustafe Shiine iyo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Guddoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Shiine isagoo arintan ka waramaya uu yidhi “Imika wax dhib ahi ma jirto, xaaladu wey degan tahay,waa la dhaartay nabadiina waa la qaatay,  waxaana loo dhaqaaqay weji labaad oo ah in ciidanka la kala qaado,waxaana loo wareegay wejigii kala gurida ciidamada, labada beelood ee dharkeen-geenyo isku dilayeyna Jimcaha wixii ka dambeeya ayaa la bilaabaya in Ciidamada la kala qaado, iyagoo hore ugu dhaartay Gobolka iyagoo goob joog ah maamulka Gobolka iyo Guurtida Somaliland, marka ciidanka la kala gurana waxa looga gudbayaa in la wada hadashiyo,  si ay isku saamaxan oo wixii dhib ah ee dhexdoodana loo dhameeyo, heshiis waarana dhexdooda looga dhaliyo”.

Badhasaabka Gobolka Sool mar uu ka hadlaayey xaalada Gobolkaas ayaa yidhi “Xaalada guud ee Gobolka aad iyo aad ayuu u fiicantahay,waxaa Gobolka ka socda mashaaric dhinaca horumarka ah, oo uu bixiyey Madaxweynaha Somaliland, waxaana hadda Dekada Berbera yaala Roogii la dhigay Garoonka, Garoonka oo la yidhaahdo Masalahana ciiddi waanu ku tukanay, markaas horumar dhinaca kasta leh ayaa Gobolka ka socda”.

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed oo isna ka hadlay xaalada Dharkeen-geenyo ayaa yidhi “Wali hawshii may dhamaan ee nabad qaadashada iyo dhaartii oo qudha ayaa dhacay, laakiin xaajadii kale wali wey dhiman tahay,waxaana aad iyo aad ugu mahad sheegayaa sida aadka u quruxda badan ee milgaha iyo sharafta leh ee la noo soo dhaweeyey, ee la noogu soo dhaweeyey Gobolka Sool, waxaana leeyahay Beelaha dagaalamaya nabada qaata oo u dhego nuglaada dadka arinkiina gacanta ku haya, si walaalnimadiina iyo nabadiinu u soo noqoto,anagu haddii aanu nahay Guurtidii iyo Madax-dhaqameedkii Somaliland-na waxa aanu mar walba diyaar u nahay in aanu nabadiina ka talino, oo aanu gacanta isku kiin saarno, ee mar dambe coladaas ha soo celinina, ILLAAHAYNA waxaan idinka baryayaa in aanu dhexdiina dagaal dambe ka dhicin”.