Guddoomiyaha Cusub Ee Komishanka Qaranka NHPC Oo Si Rasmiya Xilkii Ula Wareegay

0
733

Picture5Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha cusub ee Komishanka Qaranka ee Mihnada Caafimaadka Dr. Axmed Xaashi Odey oo dhawaan xilkan uu u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa si  rasmiya ugala wareegay Guddoomiyihii hore Dr Cabdikariin Yuusuf Muuse.

Munaasibadii xil wareejinta oo ka dhacday Mansoor Hotel ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Qaranka ee Mihnada Caafimaadka, Gudoomiyihii hore ee xilka wareejiyey, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Ururka Kal-kaaliyayaasha iyo Umulisooyinka Somaliland ,Dhakhaatiir,Shaqaalaha NHPC iyo Marti sharaf kale.

Agaasimaha Ururka Kal-kaaliyayaasha iyo Umulisooyinka Somaliland Marwo Foosiya Maxamed Ismaaciil oo iyadu ugu horeyn Munaasibadaas ka hadashay, ayaa aad u soo dhaweeysay Gudoomiyaha cusub iyo ku xigeenkiisa, waxayna hadalkeedii ku bilawday “Waxaan jecel ahay in aan soo dhaweeyo Guddoomiyahayga iyo Guddoomiye ku xigeenkiisa, in badan ayaanu lahayn Baabuurkeenu waa bila Darawal, Darawalkiina waanu helnay Maanta, haddii aanu nahay Ururka Dhakhaatiirkta iyo Ururka Kal-kaaliyayaasha iyo Umulisooyinka Somaliland, waxa aanu ku doodi jirnay in aanu helno qeybtii sharciga, iyo ilaalinta Bulshada, waxaan leeyahay Hambalyo ku soo dhawaada Bahda Caafimaadka”.     

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Xuseen Xoog, oo ka mid ah Dhakhaatiirka Somaliland, oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Gudoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka cusub ee Komishanka Qaranka ee Mihnada Caafimaadka, waxaanu xusay inay ku garab galayaan si daacadnimo ku dheehan tahayna ula shaqeeyn doonaan, waxaanu Masuuliyiintan cusub ku dhiirigeliyey inay talaabo ka qaadaan cid walba oo khalad ka gasha Bukaanka iyo guud ahaan Bulshada, Caafimaadkana aad ula socdaan.

 Dr Cabdirashiid Xaashi, oo ah guddoomiyaha ururka Dhakhaatiirta  Somaliland oo halkaas ka hadlay ayaa aad ugu mahadnaqay Guddoomiyiihi hore ee Komishanka Qaranka, soona dhaweeyey Guddoomiyaha iyo ku xigeenka cusub, isaga oo sheegay kuna booriyey inay xilkooda si wanaagsan oo daacadnimo ku dheehan tahay u gutaan.

Marwo DRs. Luul Jirde, oo ah agaasimaha fulinta ee xarunta NHPC ayaa si qoto dheer uga hadashay sheegtayna inay muhiim tahay in la hubiyo aqoonta caafimaad ee uu leeyahay qofka ku shaqeeysanaya Caafimaadka, iyada oo sheegtay inay la kulmeen Dad sheeganaya Dhakhaatiir, oo ka yimid Wadamada aynu jaarka nahay, sida Kenya,markii dambena ay ogadeen in aanay lahayn wax aqoon ah, ka dib markii ay baadhis iyo hubin ku sameeyeen.

Gudoomiye ku xigeenka cusub ee Komishanka Qaranka ee Mihnada Caafimaadka Cabdiraxmaan Maxamed Doodi oo isna halkaas ka hadlay ayaa  sheegay in xilkan loo igmaday sida ugu wanaagsan uguna daacadsan u gudunayaan, waxaanu tilmaamay inay si xeel dheer ugu kuur-galayaan, xaalada Caafimaad ee dhabta ah ee dalka jirta, aadna ula socon doonana goobaha caafimaad ee dalka ka jira.

Guddoomiyihii hore ee Komishanka Qaranka ee Mihnada Caafimaadka Dr Cabdikariin Yuusuf Muuse, oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa ka war bixiyey waxyaabihii u qabsoomay tan iyo intii uu xilka la wareegay, waxaanu sheegay inay waxyaabo badan ku guuleeysteen, waxaanu aad ugu hadlay Dhakhaatiirta Ajinabiga ah ee dalka ka hawl-gala iyo dhibaatooyinka ay Bulshada ku hayaan, waxaanu mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Hay’addaha ay wada shaqeeyntu ka dhexeeyso, waxaanu yidhi “Intii hore waxa lagu mashquulsanaa Sharciga hagaajintiisa iyo sameeyntiisa,si uu ula jaanqaadi lahaa komishankani isbadalka bulshada, balse labadii sanno ee ugu dambeeyey waxa la qaaday Koox ka tirsan NHPC oo la geeyey Uganda, si ay markaas ugu soo faa’iideeystaan Ururka Caafimaadka ee Uganda oo isagu jiray Boqol Sanno, markii ay soo noqdeen wey na caawisay waxyaabihii ay soo faa’iideeysteen, kadib safarkaas dheer Madaxweynaha ayaanu u tagnay si loo soo magaacabo Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen, oo Maanta hirgashay, waxaan se aad iyo aad ugu mahadnaqaya Hay’addaha ThET iyo IOM oo si fiican loona shaqeeyey muddadii aanu jirnay”.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha cusub ee Komishanka Qaranka ee Mihnada Caafimaadka Axmed Xaashi Odey oo Munaasibadaas ka hadlay, ayaa sheegay in xilkan iyo masuuliyadan la saaray inuu si fiican u gudan doono, oo daacadnimo iyo sinaan bulshada ugu shaqeeyn doono, talaabo adagna ka qaadi doonan cidii ku xad gudubta Sharciga u yaala  Xirfadlayaasha Caafimaadka, waxaanu yidhi “Dadkeena Qabyaaladu sameeyn balaadhan ayey ku leedahay, oo qofka marka lagu qabto Sharci daro, waxa uu markaaba soo diraya Odeyaal ay isku reer yihiin, markaas si aanay taasi u dhicin ugu horeyn Cusbitaalka guud ee Hargeysa ayaan hawsha ka bilaabaya, kadibna Goobaha Caafimaadka ee gaarka loo leeyahay ayaan ku xigsiinaya,waxaana Madaxweynaha ka codsaday markii xilkan la ii magaacabay in hawshayda la ii madax banaaneeyo, inta  badan dadka qaar ayaa shaqo ka dhigtay inay Dhakhaatiir Ajaanib ah dalka keenan, kadibna ay ku shaqaystaan, balse kuwaasi Dhakhaatiir maaha, laakiin inagu waxaynu tixgelinaynaa Dhakhtarka jooga ee Muwaadinka ah ee hawshaas qaban kara, Ajinabina loogu yeedhi maayo dalka”.