Guddomiye-xigeenka Waddani Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Carqaladaysay Soo Dhawayntii Cirro

0
833

Picture2Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed,ayaa xukuumada ku canbaareeyay is hortaaga xoogan oo ay kala horyimaadeen soo dhawaynta guddoomiye Cabdraxmaan Ciro oo dalka ku soo laabtay.

Waxa uu Axmed Muumin Seed xukuumadda ku tilmaamay mid doonaysay in si toos ah ay isugu dhacaan taageerayaasha Waddani iyo xukuumaddu, balse ay ku adkaysteen in si nabadgalyo ah ay ku dhamaystaan soo dhawayntooda.xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa ciidamo tiro badan dhigtay wadada tagta madaarka Hargeysa,waxaanay dadka ku amraysay in aan loo gudbin dhanka wadada tagta madaarka.

Waxa uu sidan ku sheegay Axmed Muumin Seed mar uu shalay la hadlaayay taageerayaasha xisbiga Waddani, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Waxaan aad iyo aad uga xumahay oo aad iyo aad aanu u canbaaraynaynaa anagoo doonayna inaan ilaalino baratakoolka iyo nabadgalyada Somalilandba, waxa laga xumaado waxa ah inamadii dhalinayrada ahaa ee qabanqaabada waday iyo gaadiidkii ay dawladdu xidhay, iyada oo dawladu raadinaysay inay isku dhacaan taageerayasha xisbiga iyo iyadu, ilaa xalay(Habeen hore) waanu ka hawlgalnay, waxaana nagala shaqeeyay in inamadii dib loo soo daayo Boqor Buurmadaw oo aan halkan uga mahadnaqayno, laakiin xukuumaddu waxay geed sare iyo mid hoosaba isugu taagtay in aanay warbaahintuna galin madaarka, in aanay taageerayaashu soo bixin,basaskii aanu ugu talo galnay inay dadka soo guraan waa la joojiyay, meel walba ciidan ayaa la dhigay,waxaanu xalay (Habeen hore) oo dhan aanu ka wada hadlaynay gudida nabadgalayda iyo jananka booliska in aanaan Waddani ahaan diyaar u ahayn dhib, laakiin ay xukuumad ahaan ay diyaar u ahaayeen in dadku isku dhacaan, waxaan aad ugu mahada naqaynaa in taageerayashu sidii aanu ku balanay ay yeelaan oo aanay wax dhib ah dhicin,laakiin dawladu waxay dalbatay inay dhibaato dhacdo.”