Guddiga Wanaag Farista Oo Soo Dhaweeyay Amarka Labada Xubnood Ee DRC Iyo DDG Dalka Lagaga Saarfay

0
653

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista   CabdIraxmaan Maxamed Cabdale, ayaa guud ahaan Bulshada reer Somaliland uga digay ku dhaqanka ficilada ama dhaqanada xun xun ee diinteena islaamku ogolayn. 

Guddoomiyaha Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista   CabdIraxmaan Maxamed Cabdale oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyey go’aankii dalka lagaga mustaarufiyey ninkii iyo gabadhii ka tirsanaa Hay’adda DRC ee wax ka sheegay diinta islaamka, waxaanu ugu horeyn yidhi “Waxaynu nahay dad islaam ah, waxaynu nahay dad ILLAAHAY ku nimcaystay islaanimada, waxaynu nahay dad boqolkiiba boqol islaam ah, waxaynu nahay umaddii nabi muxamed SCW, waxayna umaddaha kale kaga fadli badan nahay, wanaagana weynu isku sheegna, oo weynu is farnaa, xumaaantana weynu iska suulinaa, oo weynu iskaga dignaa, markaas anagu haddii aanu nahay Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista, waxaanu bulshadeena uga digayaa ku dhaqanka ficilada iyo dhaqanada aanay diinteenu raali ka ahayn, waxaanu ka digaynaa in lagu dhaqaaqo oo caado laga dhigto wax walba oo ALLE ka cadhaysiinaya, waxaanu ku baaqayaa inaynu sunihii Rasuulkeena caado inoo noqoto, inaynu diinteena ilaashano, si aynu u helno naxariista ALLE waa inaynu u hogaansanaa, oo amarkiisa qaadana, oo aynu adeecna”.

 Guddoomiyaha Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista   CabdIraxmaan Maxamed Cabdale mar uu ka hadlaayey go’aankii lagu mustaarufiyey labadan shaqaale ah ayaa yidhi “Xukuumadda waan ku bogaadinayaa, oo Wasiirka Qorsheynta Qabo waan ku amaanaya go’aanka uu dalkaga kaga mustaarufiyey labadii qof ee diinta islamka wax ka sheegay, waa talaabo iyo go’aan aad qiimo badan, madaama dad diinteena wax ka sheegay dalka laga mustaarufiyey ka guddi ahaan waanu soo dhaweeynaynaa, waanaa taageersan nahay”.

Dhinaca kale waxa uu Guddoomiyaha Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista   CabdIraxmaan Maxamed Cabdale ka hadlay abaaraha, isagoo ALLE ka baryey inuu raxmadkiisa inoo shubo,