Guddiga Wanaag Farista Oo Doortay Hoggaan Cusub

0
613

Hargeysa(Geeska)- Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shir jara’id oo ay ku qabteen magaalada Hargaysa waxa ay ku shaaciyey in ay doorteen guddoomiye cusub.

Shirkan jaraa’id ee  loo sameeyey xil wareejinta ayaa waxa ka soo qayb galay culimada iyo masuuliyiinta guddida wanaag farista halkaas oo aanu isna ka soo xaadirin guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday ee guddida wanaag farista Sheekh Maxamed Aadan Xiiray.

Guddida wanaag farista ayaa marka ay arkeen aqoonta uu diinta u leeyahay, marka ay tix raaceen waayo aragnimadiisa xag diinta waxa ay guddida wanaag farista iyo xumaa reebistu guddoomiye u dorteen Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale Halka ay guddoomiye ku xigeena  ay u dorteen sheekh Xaaji Cawl Xuseen.

Waxa kale oo ay gudidu shegeen inaanu jirin waxa khilaaf ah oo soo kala dhex galay guddid wanaag farista dhexdeeda isla markaas waxa ay shacbiga u bayaamiyeen inaanu wax khilaaf ahi dhex oolin guddid wanaaga farista dhexdooda

Ugu horen waxa munaasibada loo sameeyey hadal kooban kasoo jeediyey guddoomiye ku-xigeenka guddida wanaag farista iyo xumaan reebista jamuuriyada somaliland Xaaji Cawl Xuseen waxaana uu yidhi “shaqada ay hayaan guddida wanaag farista iyo xumaa reebista jamuuriyada somaliland waxa ka shaqeeyaan fawaaxishka iyo nabad galiyada waxaana uu dalka somaliland ka shaqay nayey 14 sannadood intaad halkan ku arkaysaan mooyaane waxaan xafiisyo kale ay uga furan yahiin gobolada dalka oo dhan waxaana ka furan 21 xafiis oo sidan oo kalaa u shaqeeya oo baahsan oo dhamaan gobolada somaliland oo idil nooga furan, xafiis kastana waxa uu leeyahay  guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen, sidaas darteed umada somaliland ayaa nala shaqaysa umada ayaa nacaawisa oo waliba nagarab gasha umada ayaana nasiis waxaanu ku shaqayno.”

 Guddoomiye ku-xigeenka guddid wanaag farista oo hadal kiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey ”Hawl kasta markaanu wadno waxa gacan wayn naga siiya taliyaha ciidanka booliska somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo wasiirka arrimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade sii wab waliba dawlada danbe Aad iyo aad ayey noola shaqaysaa”.

 Dhinac kale waxa isna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha cusub ee loo doortay inuu hogaamiyo guddida wanaag farista Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale waxaana uu yidhi . “Guddida wanaag farista waxa ay soo jirtay 14 sannadood sida uu gudoomiye ku-xigeenku sheegay intaas oo dhana waxa ay soo waday khayr iyo wanaag maantana si sidii ka wanaagsan ayaa ay u soconaysaa anaga oo ilaahay la kaashanayna inaanu wax ka nuq-saamino lagamo yaabo inaanu wax ku siyaadino moyaane,waxaana mid kale walaal idinka codsanayaa xukuumada culimada iyo shacabka reer somalilandba inaad maktabkan laga fidinayo diinta islaamka aad ka mid noqotaan oo aan anaguna idinku soo dhawaynayno gacmo furan albaab kiisuna waa idiin furan yahay qof kasta oo muslinan waxa laga doonayaa in wakhtigiisa iyo maal kiisa ilaa hay wax kasiiyo meeshanina waa meesha aynu kaga bad-baadayno aakhira iyo aduun”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey”maktabkani waa maktabka masalaya doonta aynu saara nahay nabiguna waxa uu ku masaalay (NNKH) waxaana uu yidhi halkan aynu maanta joognaa waxa ay la mid tahay ayaa uu yidhi dad doon saaran, doontuna waxa uu yidhi waa doon laba qaybood ah mid kor saaran iyo mid hoosta ah qaybta hoose marka ay biyaha doonayaan waxa ay utagaan biyahan u doontaan kuwa saaran xagooga sare kuwaas xaga hoose saaran ayaa waxa yidhaheen hadaynu iska dayno oo doonta aynu xag hoose ka daloolino ka warama markaas dadka noocaas ah ee doonaya in ay biyaha dalooliyaan kama ay fikirin in ay dadkaas oo dhami halig mayaan markaas doontaas ayeynu inan saaran nahay ee halag digtonaado.

Sidoo kale waxa iyana halkaasi ka hadlay culImo ka mid ah guddida wanaag farista oo dhamaan tood soo dhaweeyey guddoomiyaha cusub ee loo doortay guddida wanaag farista Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale oo ay ku sifeyeen sheekh hanan kara xilka loo dhiibay waxaana ay ilaahay uga baryeen inuu xilkaas u fududeeyo.