Guddiga Turxaanka Saarka KULMIYE Oo Xalay Ku Dhawaaqay Go’aamada Ay Gaadheen Iyo Nuxurka Labada Qodob Ee Khuseeya Muuse Biixi Iyo Samaale

0
667

Picture6Hargeysa(Geeska)-Guddigii uu Madaxweyne Silaanyo bishii hore u saaray turxaan saarka xisbiga KULMIYE, ayaa kulamo dhawr ah oo ay la yeesheen labada garab ee xisbiga ka dib, waxa ay xalay iclaamiyeen qodobo go’aano ay gaadheen ah, iyadoo ay labada dhinacba madasha joogeen.

Madasha go’aamada lagaga dhawaaqay waxa ku sugnaa guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi iyo ninka ay sida adag isu hayeen ee wasiirka maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa kale oo ku sugnaa madaxweyne xigeenka Md. Cabdiraxmaan Saylici iyo xubnaha guddiga turxaan saarka xisbiga KULMIYE.

Xoghayaha guddigaas xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), oo u hadlay guddiga dhexdhexaadinta, kuna dhawaaqay go’aamada ayaa yidhi, “Waxaanu umadda reer Somaliland iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye gudo iyo dibadba ugu bushaaraynaynaa  in hawshii naloo saaray ee turxaan saarka ahayd, aanu turxaantii saarnay,dhammaan xisbiguna uu go’aamadan iyo soo jeedimahan uu isla aqbalay.

Mudanyaal sida aad la socotaan waxa  madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland uu u magacaabay  gudi turxaan bixisa khilaafka soo kala dhexgalay hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye,kaas oo saamayn ku yeeshay qabsoomida shirweynaha saddexaad ee xisbiga Kulmiye, gudidaas oo ka koobnayd toban xubnood waxay si mug iyo miisaan leh uga hawlgaleen shaqadii loo igmaday, gudidu si ay u daristo baaxada khilaafka iyo waxa lagu kala cabanaayo, waxay kulamo gooni gooni ah la yeelatay dhinacyadii wax kala tirsanaayay, iyada oo dhinac walba la yeelatay saddex kulan oo gaar ah, si khilaafka loo fududeeyo waxay gudidu kulamo shaqsi shaqsi ah la yeelatay xubnaha xisbiga ee kala cabanaayay,kuwaas oo ay u kala dab qaadaysay, kulankaas gaar-gaarka ah kadib waxa ay gudidu si toos ah isku soo horfadhiisisay dhinacyadii waxa kala tirsanaayay, kuwaas oo uu dhinac waliba uu soo bandhigay waxii uu tabanaayay. Haddaba gudidu iyada oo tixgalinaysa wada jirka xisbiga kana duulaysa sidii uu shirweynuhu u qabsoomi lahaa  wakhtigii loo cayimay iyada oo dhammaan xisbigu mid yahay.”

Wuxuu intaas raaciyay, “markii ay gudidu dhagaysatay doodihii dhinacyada  isla markaasna ay si fiican u daristay nuxurka khilaafku waxa uu yahay waxay ay soo saartay go’aamadan.

1-Waxa awooda qabanqaabada  iyo diyaarinta shirka iska leh gudida qabanqaabada shirweynaha,waxaana gudidaas mus danbeed u noqonaaya hoggaanka xisbiga.

2-Iyada oo la raacayo dastuurka xisbiga  waxay gudida fulintu ansaxinaysaa afarta xubnood ee lagu soo daray gudida qabanqaabada.

3-Haddii loo baahdo wax ka hadalka dastuuka xisbiga  waxa awooda diyaarinta wax ka badalka yeelanaya gudida fulinta, waxaanay soo jeedintooda u gudbinayaan gudida qabanqaabada oo iyaduna u gudbin doonta shirweynaha.

4-Iyada oo la dhawraayo wada jirka xisbiga waxay gudidu go’aamisay in dhammaan xubnaha hoggaanka oo kala ah guddoomiyaha, afartiisa ku xigeen iyo xoghayaha guud  sidooda loo daayo oo aanay ciddi kula tartamin, isla markaasna shirweynaha dib loogu soo doorto si loo mariyo sharciyada.

5- In Cabdicasiis Maxamed Samaale  uu ka mid noqdo guddida fulinta ee xisbiga.

6-Gudida fulinta ee cusub waxa soo magacaabaya hoggaanka xisbiga oo wada jira ,waxaanay kala tashanayaan madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland.

7-Sadexda urur ee kala ah Dalsan,Damal iyo Umadda waa in la sii daayo liisaska xubnaha  goleyaashooda dhexe, si ay uga qaybgalaan shirweynaha xibiga ee soo socda.

8-Sida uu dhigaayo sharciga xisbigu ergooyinka shirweynuhu waxay ka imanayaan gobalada iyo degmooyinka, waxaana soo xulaaya madaxda gobalada iyo degmooyinka iyo masuuliyiinta heer qaran ee xisbiga u matalaaya gobaladaas iyo degmooyinkaas.

9-Soo xulista xubnaha golaha dhexe ee lagu dooran doono shirweynaha waxa lagu soo xulayaa sida ku cad qodobka 8aad.

10-Gudida turxaan bixinta khilaafka xisbigu waxay dusha kala soconayaan fulinta go’aamada ilaa inta shirku qabsoomayo.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi

Guddoomiye Muuse Biixi iyo Wasiir Cabdicasiis Samaale, oo ah labada siyaasi ee uu loolanka adagi ka dhexeeyay ayaa madasha ku sugnaa, waxase hadlay guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, oo yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo gudidaas turxaan bixintu qodabada ay soo jeedisay sidooda ayuu xisbigu u qaadanayaa oo waanu ku hawlgalaynaa. Marka horena marka aan idiin sharaxo Kulmiye ma jirin kooxo kala mabda’ ah oo iska horyimi, ma jirin qaar beelaysan oo iska horyimi, ma  jirin ashqaas isneceb oo iska hor yimi, ee marka shirweynaha la qabanaayo dastuurka xisbiga ma sidaas ayaynu ka yeelnaa mise sidaas, qolada gudiduna halka ay naga caawiyeen waxa weeye waxyaabahaas ayuu muran ku jiraa sidii loo hagaajin lahaa iyo shirweynaha sidii loo qaban lahaa ayuunbay naga caawiyeen.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi, “Qoladayada hoggaanku aad ayaanu idiinku mahadnaqnay haddii aad tidhaahdeen shanta sano ee soo socda ayaanu idin dooranay,anagana waxa nalaga rabaa masuuliyadeedii iyo abaalkaas aad noo gasheen ileen rag badan oo han leh ayaa jiraye, ciddii nooga hadhay iyo cidii soo qabanqaabisayba aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa.”

Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylic, oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi, “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa gudida loo xilsaaray inay turxaan saarto khilaafka yar ama aaraada lagu kala duwanaa sida uu u qabsoomi lahaa shirweynaha xisbiga Kulmiye. Soomaalidu waxay tidhaahdaa laba walaalo ah haday wax isla garan waayaan walaalkooda saddexaad ayaa la eega arintu intaas ayuunbay ahayd ee wax dhibaato ah ma jirto, iyada oo dadku yool iyo ujeedo leeyahay ayuu haddana yoolkaas sida loo gaadhayo  aragti ahaan lagu kala duwanaadaa, waxaanu u sheegaynaa taageerayaasha xisbiga  meel kasta oo ay joogaan in aanay jirin wax colaad ah oo shaqsi ah ee ay ahayd uun aragti sida uu shirku u qabsoomayo uun, tiina walaaladayadaas madaxweynuu u xilsaaray si wanaagsan ayay u soo dhameeyeen.”