Guddiga Sariflayaasha Oo Cabasho Ka Muujiyay Dad Suuqa Ku Haya Khal-khal Sarifka Ah

0
619

Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah sariflayaasha magaalada Hargeysa ayaa baanka Somaliland ka codsaday inuu wax ka qabto dad ay sheegeen inay khalkhal ku hayaan suuqa sarrifka.

Axmed Xasan Awliyo, oo ka mid ah sariflayaasha Hargeysa ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyay Geeska Afrika, wuxuu xukuumadda ugu soo jeediyay inay wax ka qabto dadkaas oo uu sheegay inay khalkhal ku hayaan sarrifka shillinka Somaliland iyo dollarkaba, isagoo dadkaasna ugu baaqay inay ka waantoobaan khalkhalgelinta sarifka. “Waxaan xukuumadda, gaar ahaan baanka ka codsanaynaa inay wax nagala qabato dad  dhibaato ku haya suuqa sarrifk, kuwaas oo aan u haysan sharci ay kaga ganacsadaan suuqa.” Ayuu yidhi Awliyo oo intaas raaciyay, “Haddii ay sii socoto waxay dhibaato u gaysanaysaa habsami u socodkii suuqa sarrifka, waxana ka dhalan kara inay meesha ka baxdo kala dambaynta iyo socod siinta amarkii xukuumadda ee madaxweynuhu soo saaray. Sidaas daraadeed waxaan mar labaad ka codsanaynaa baanka iyo hay’adaha dawladda inay arrinkaas wax ka qabtaan.”

Mr. Awliyo, wuxuu sheegay inay sarriflayaashu dhawaan qabsan doonaan shirweyne guud oo ay ku doorayaan guddoomiye cusub, maadaama oo uu geeriyooday Alle haw naxaristee guddoomiyahoodii hore.

Magacyada guddiga

sariflayaasha ee cabashada ka muujiyay dad aanay magacaabin ayaa kala ah:

Siciid Cabdi Sugaal

Axmed Xuseen Warsame

Xasan Maxamed Shaqale

Cawil Maxamuud Muxumed

Kayse Xasan Cilmi

Cismaan Rabiile Diiriye

Shiine Cabdi Cali

Saleban Gaydh Nuur

Mawliid Maxamed Nuur

Maxamed Jibriil Cali