Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha KULMIYE Oo Hogaanka Xisbiga Dib Ugu Celiyay Qaabka Ergooyinka Loo Xulayo Iyo Nuxurka Kulan Shalay Dhex Maray Madaxweynaha Iyo Muuse Biixi

0
856

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddigii qaban qaabada shirweynaha xisbiga KULMIYE, ayaa la sheegay inay dib ugu soo celiyeen hoggaanka xisbiga kala doorashada qaabka lagu soo xulayo ergada shirweynaha ka qayb galaysa oo uu muran ka taaganyahay sida loo soo xulayo.

Shirweynaha oo qoondeysnaa inuu furmo 22 March, ayaa u baaqday doodda iyo ismaandhaafka ka taagan qaabka loo xulanayo ergada shirweynaha. Guddiga qaban qaabada ayaa ku guuleysan weyday inay kala doorato in ergada lagu soo xulo codadkii KULMIYE ee uu gobal walba ka helay doorashooyinkii uu xisbigu ka qayb galay iyo qodobka labaad oo ah in lagu soo xulo nidaam beeleed. Waxaanay shalay hoggaanka xisbiga ku wargeliyeen inay iyagu kala doortaan qaabka lagu soo xulayo ergada shirweyaha, maadaama oo ay u suurtogeli weyday inay qodob ku midoobaan.

Hoggaanka xisbiga ayaa la filayaa inay si deg deg ah go’aansadaan qaabka lagu soo xuli doono ergooyinka, oo uu shirweynihii xisbigu u dabranyahay. Geesta kale, Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay kulan arrimahan lagaga hadlayay isku horfadhiistay qasriga madaxtooyada.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankaas, laakiin waxa la aaminsanyahay inuu la xidhiidhay ceebta ka taagan shirweynaha KULMIYE oo tiraba dhawr jeer dib u dhac uu ku yimid iyo caqabadaha hortaagan, waxaana la sheegay inuu Madaxwyenuhu guddoomiyaha KULMIYE ka dalbaday inuu u hawlgalo wax ka qabashada caqabadaha hortaagan shirweynaha xisbiga oo ay ugu muhiimsantahay qabaka loo soo xulaynayo ergada shirweynaha ka qayb galaysa. Guddoomiye Muuse Biixi ayaa la filayaa inuu go’aansado qaabka loo soo xulayo ergada shirweynaha ka qayb galaysa.

 

Shirweynaha KULMIYE oo la go’aamiyay inaanu wax tartan ahi ka dhicin, ayaa haddana waxa ay dhibaato ka taagantahay soo xulitaanka ergada aan waxba dooranayn ee shirweynaha ka qayb galaysa.