Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka Oo Shalay War Ka Soo Saaray Qodobada Uu Dr. Macow Buuxin Waayay

0
597

Picture6Hargeysa(Geeska)-Guddida heer Qaran ee Mihnadlayaasha Caafimadka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo Bisha Lixaad aanay Somaliland ka shaqeyn doonin Cid aan Rusqad ka haysan Gudida Mihnadlayaasha Caafimadka, iyaga oo ugu baaqay dadka ka sheeqaya Caafimadka ee aan qaadan Rusqada in ay dhakhso isku soo diwaangliyaan cidii aan Rusqad haysana ay talaabo ka qaadidoonan.iyaga oo ay sheegen in Shuruudo la marindoono.

Wax kale oo ay ka hadleen arinka Dr.Macow oo baryahanba uu muran ka taagnaa isla markaasna gudidani ay shaqadii ka joojisaya.Sidaasi waxay ku sheegen Shirjaraa’id oo ay ku qabteen Xarunta Guud ee Guddida Mihnadaha Caafimadka ee magaalada Hargeysa.Kulankaasi waxa Goob joog ka ahaa Masuuliyiinta Guddidaasi iyo wasiir ku xigeenka Amniga ee waasarad Arrimaha gudaha Cabdilaahi Abokor.

Agaasimaha Fullinta Komishanka Mihnadaha Caafimadka Dr. Luul Jirde Xuseen ayaa ugu baaqday Dadka ku shaqeysta mihnadaha caafimadka in ay Ruqsad ka qaatan Xaruntooda, ciddii qaadan waydana ay talaabno adag ka qaadi doonaan,“Hawlaha Guddidu waxay si rasmi ah u bilaabmantay 2011-kii markaasana la sameyey guddi hoosadyada iyo xaafiiskaba oo shaqaalaha la qalabeeyey, Guddidu waxay hawsheedu tahay diwaangalinta, ruqsad siinta iyo Anshax marinta wax allaale wixii ku shaqeysta Mihnad caafimadka, Guddida waxa u suuro gashay in aanu tagno illaa Afar gobol oo aanu diiwaangalin aanu ku sameynay dadka caafimadka ka shaqeeya, goboladaasi oo kala ah Sanaag, Tog-dheer, Sool, Saaxil, Guddidan wax uu sharcigu awood u siinayaa xeer 19/2001 qodobkaasi oo dhigay in gudidani ay Diwaangalin karto oo waliba anshax marin karto goobaha laga bixiyo caafimadka, iyo iskuulada lagu dhigo caafimadka, waxaanu sameynay wacyigalin balaadhan oo aanu shacabka Somaliland ku tusaynay awooda uu leeyahay Komishankani iyo wuxu u qaban karo, Bisha Jun waxa naga go’an in qof walba oo mihnad caafimaad ku shaqeysta in ay halkan iska diiwaangaliyaan, si loo eego shahaadooyinka ay sitaan si Ruqsad loo siiyo, Bisha Lixaad marka la gaadho Somaliland kama shaqeysan karo qof aan sidan Ruqsada Gudidan.”

Foosiya Maxamed Ismaciil oo ku jirta boodhka Guddida Mihnadlayaasha caafimadka oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ujeedada ugu waaweyn ee ay dalka uga xilsaaran yihiin ay tahay sidii bulshada reer Somaliland u ilaalin lahayeen caafimaadkooda oo uu noqdo mid tayo leh.

Wasiir Ku-xigeenka Wasarada Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Abokor oo isaguna goob joog ka ahaa Shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay in Xukuumada Somaliland ay Shaqada ka joojisay Dr.Macow ka dib markii fariin ka dhan ah Dhakhtarkaasi ay u timid. “Dr.Macow ma xidhna ee wuxu ku jirra hudheelada ugu wanaagsan Hargeysa mid ka mid ah, marka Dr.Macow waxay guddidani noo sheegen in uu dalka sifo khaldan ku soo galay marka anaguna talaabo ayaanu ka qaadnay oo shaqadii ayaanu ka joojinay, Dr.Macow wuu Xayiran yahay sababta uu u xayiran yahayna waxa lacag laga qaaday dad ka badan illaa 1000 Qof marka anaga dadka xilbaa naga saran illaa inta dadkaasi lacagta loo celinayo biximaayo, waloow dadka badankoodu lacagtii la siiyey.”

Sida oo kale waxa ay gudida mihnadlayaasha caafimaadku sheegeen in Dr.Macow uu buuxin waayay shuruudii dhakhtarnimo waxaana sadex qodob oo ay arintaas ka saareen ay u dhignaayeen sidan

1-Isaga oo sheegtay inuu yahay takhsus ( specialist), haystana aqoonsi shahaado oo ah Specialist. Sida hadalkan ku cad ee GMC-ga Ingiriiska ee uu ka diiwangashan yahay kunaa dalbaday ogolaanshaha shaqo ee Somaliland waxa uu sheegayaa in aanu ahayn Specialist.

2-Isaga oo sida shuruudo lagu xidhay dalka Ingiriiska ee uu ku doodayo taas oo sheegaysa in aanu arki karin bukaan dumar ah oo ka yar 16 sano.

3-Shuruuda kale ee uu buuxin waayey waa isagoo ka’keenin GMC Letter Of Good Standing, (warqad cadaynaysa in aanu wax danbi ah oo ku saabsan caafimaadka lug ku lahayn ama ka gelin dalka uu ka yimi ee UK)