Guddiga Doorashooyinka Oo Maxkamadda Sare U Gudbiyay In Xuseen Axmed Caydiid Buuxiyo Jagadii Uu Banneeyay Marxuum Ibraahim-Kacaan

29
2592

Hargeysa(Geeska)-Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa shalay Mudane Xuseen Axmed Caydiid u aqoonsaday inuu yahay xildhibaanka buuxinaya jagadii uu baneeyay Alle haw naxariiste Marxuum Ibraahim Axmed Raygal.

Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in guddiga doorashadu ay duhurnimadii shalay maxkamadda sare u gudbiyeen in Xuseen Axmed Caydiid yahay xubinta xaqa u leh inuu buuxiyo jagadaas.

Go’aankan guddiga doorashada ayaa soo baxay ka dib markii ay maxkamadda sare guddiga doroashooyinka uga jawaabtay qoraal ay kaga dalbadeen inay kala saarto Xuseen Axmed Caydiid iyo Maxamed Muuse Abees. Laakiin maxkamadda sare ayaa qaraar ay doraad gelinkii dambe soo saartay waxay guddiga doroashooyinka amar ku siisay inay maxkamadda sare u soo gudbiyaan xubinta ay u aqoonsadaan inuu xaq u leeyahay buuxinta jagadan, waxaanay maxkamadda sare guddiga doorashada fartay inay shaqadooda u gutaan sida uu distoorka qaranku qorayo.

Lama oga in wasiir-xigeenka warfaafinta Maxamed Muuse Abees  uu aqbalay go’aanka guddiga doorashada iyo inuu dacwad u gudbin doono maxkamadda sare. Wasiir Abees ayaa hore u sheegay inuu yahay qofka xaqa u leh inuu jagadan buuxiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here