Guddiga Doorashooyinka Oo Ka Hadlay Tirada Togdheer Iska Diiwaangelisay

0
549

Hargeysa(Geeska)-Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa sheegay in tiro ka badan labaatan kun oo ruux ay labadii maalmood ee ay diiwaangelintu socotay iska  diiwaangeliyeen goobaha diiwaangelinta ee gobalka Togdheer heer.

Guddiga doorashooyinku, waxa kale oo ay sheegeen inay jiraan dad isku dayay inay ku noqnoqdaan oo la qabtay, kuwaas oo ay sheegeen inay ka yar yihiin boqol ruux, “Waxaanu doonaynaa inaanu dadweynaha reer Somaliland uga sheegno halkan inay labadii maalmood iska diiwaangeliyeen (Lix iyo labaatan kun, toddoba boqol iyo koob iyo soddon ruux ( 26,731)” ayay yidhaahdeen guddiga doorashooyinku, waxaanay intaas raaciyeen “Tiradaasi nayaayir badan ayay komishanka iyo umaddaba ku beertay, tirada isku dayga ah ee hal mar wax ka badan isku dayay inay is diiwaangeliyaan waa tiro aan boqol gaadhayn.”