Guddiga Doorashooyinka Oo Ka Hadlay Kulankii Qarsoodiga Ahaa Ee Wasiirka Madaxtooyada iyo Aragtidooda Guddi Musdanbeed Oo La Sameeyo

0
619

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa ku dhawaaqay inay bilaabayaan kaadhadhkii diiwanagakinta ee doorashooyinka, waxaanu daboolka ka qaaday labada gobal ee ay haatan ku bilaabayaan.

Guddoomiye Cabdiqaadir waxa uu sida oo kale ka hadlay musdanbeedka la sheegay in loo samaynaayo arimaha doorashooyinka  iyo sida oo kale kulankii qarsoodiga lagu sheegay ee uu isku casilay la taliyahii arimaha doorashooyinka Cabdilaahi Jawaan. waxaana ugu horayn isaga oo ku dhawaaqaya kaadhadh qaybintii uu yidhi "Waynagii soo dhawaynay diiwaangalintii doorashadana waxaa ka horaynaayay kaadhqaybintii, waana tii ay abaartu dhacday Alle raxmaadkiisa haynoo wada shubo, komishanka qaranku waxa uu u kala baxayaa labadii gobal ee u horeeyay kuwaas oo ah gobalada Awdal iyo Saaxil iyo 12 degmo oo ah gobalka Sanaag dhanka xeebaha, gobaladana aan ku bilownay waxa ay leeyihiin xeeb dheer waxii ka danbeeya hadda waxa la galayaa kulayl iyo Ramadaan, markaas waa inaan dadkeena u naxno oo labadaas gobal ugu haraysiino. 27 ka bishan ayay caasimadaha gobaladaas ka bilaabmayaan, waxaanu guud ahaan shacabiga Somaliland gaar ahaan dadka labadaas gobal u sheegaynaa inay kaadhadh qaybintii 29 bishan ka bilaabmayo labadaas gobol, waa in kaadhkii la qaataa, oo qof kastaa warqadii la yimaadaa goobtii uu iska diiwaangaliyay oo wakhtiga ka faaidaysto."

Guddoomiyaha Komishanka oo wax laga waydiiyay arimaha musdanbeedka la sheegay in doorashooyinka loo samaynaayo waxa uu yidhi"Komishanku waa haayada ugu saraysa ee u samaysan inay hagto doorashada iyo diiwaangalinta  iyo waxii la xidhiidha oo dhan, haayadaha aanu la xidhiidhno toos ayaanu ula shaqaynaa, haday  saddexda xisbi qarantahay iyo hadday dawlada tahayba, anaga ayaana u dhex ah afartaas haayadood, jiritaankayagana xeerar ayaa qeexay wali wax la shaaciyay ma hayno laakiin marka ay timaado, waanu ka hadli doonaa. xeerar sharci ah ayaanu ku dhisanahay, sharcigana nina kama saareeyo, xeerarkaas sharciga ah waxay na farayaan ayaanu ku dhisanahay, waanay qeexayaan oo waa ay cadyihiin."

Ugu danbayntii waxa uu guddoomiye Cabdiqaadir Iimaan ka hadlay kulankii dibada looga soo saaray la taliyihii arimaha doorashooyinka Cabdilaahi Jawaan "Madaxweynaha meel ka hoosaysa ma aragno, waxaanan madaxweynaha ugu tagnay inaan gaadhsiino inaan kaadhadhkii doorashada bixinayno oo aanu u baxayno laba gobal oo waxii agab ahna aanu dhamaystirnay, arintanina waa mid ka dhaxaysa madaxweynaha iyo komishanka iyo sadexda guddoomiye xisbi qaran, lataliyaha madaxweynhu waa la taliyaha madaxweynaha ee maaha la taliyaha komishanka, markaas marka aanu hawlaha dhamaystirno ee madaxweynaha aan u gudubno waa inuu fadhiyaa laakiin tii uu kaga baxay Cabdilaahi waxay ahayd anaga oo sii diyaarinayna waxii madaxweynaha loola tagi lahaa"