Guddiga Doorashada Somaliland Sidani Ma Ka Bes Baa Mise Waa Ka Dhayalsi?

0
570

Hargeysa(Geeska)-Labada xisbi ee KULMIYE iyo Waddani ayaa u muuqda inaanay dheg jalaq u siin hanjabaado iyo digniino ka soo yeedhay guddiga doorashada oo ahaa inay xisbiyadani joojiyaan ololaha ay ku galayaan qaadashada kaadhadhka diiwaangelinta oo hadda ka bilaabmaysa gobalada Sool iyo Sanaag.

?

17 Julay ayay guddiga doorashadu soo saareen qoraal ay ku sheegeen inay ganaax dhaqaale ah labadaas xisbi dul dhigeen, iyagoo ugu hanjabay in haddii ay xisbiyadani ololaha sii wadaan ay guddi ahaan qaadi doonaan talaaboyin kale oo dheeraad ah. Laakiin go’aamada iyo digniinaha guddiga doorashada ayaa u muuqda kuwo noqonaya hal bacaad lagu lisay, waxaanay labada xisbi ee Waddani iyo KULMIYE oo uu hadda ku soo biiray xisbiga UCID si rasmi ah u wadaan olole doorasho.

Haddaba, amaradan socon waayay ee guddiga doorashada ayay dadka reer Somaliland qaarkood ku xidhiidhinayaan awood jileec dhinaca guddiga doorashada, waxaana haddii ay xisbiyadani sii wadaan ololahan laga joojiyay si fudud u lumi kara axdiyada iyo shuruucda ku saabsan doorashada ee Somaliland lagu soo hagayay doorashooyinkii hore.

Guddiyadii hore ee doorashada ayaa xisbiyada siyaasadda Somaliland ku hayay hoggaan adag oo aanay sinaba uga muraxsan jirin inay ka baxaan xayndaabka sharciyeed ee loo dhigay. Laakiin waxa guddiga doorashada ee wakhtigan ka muuqata dabac iyo dhayalsi la xidhiidha xaaladaha halista ah ee xisbiyadu dalka gelin karaan maadaama oo ay galayaan olole sawaaban oo aan wakhtigiisii la joogin, islamarkaana looga digay.

Geesta kale guddiga anshaxa doorashada ayaa warsaxaafadeed ay shalay soo saareen waxay saddexda xisbi ku eedeeyeen inay olole ka wadaan deegaano kala duwan oo Somaliland ah, waxaanay soo jeediyeen in la fuliyo go’aamadii hore ee anshax marineed islamarkaana la xakameeyo gawaadhida ay xisbiyadani wataan laguna saleeyo go’aankii guddiga doorashada ee ahaa inaanay ka badan 5 baabuur.

Guddigani waxay ugu baaqeen xisbiyada inay ka waantoobaan ololaha oo ay ku eekaadaan farriimaha wacyigelinta ah ee ah inay dadweynuhu qaataan kaadhadhka doorashada.