Guddiga Doorashada Oo Xukuumadda Uga Digay Inay Ku Ololayso Hantida Umadda, Xisbiyadana Ku Waaniyay Ilaalinta Anshaxa Doorashada

0
775

Hargyesa(Geeska)-Guddoomiyaha guddiga doorashada qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay inay guddi ahaan diyaar u yihiin qabashada doorashada madaxtooyada oo qabsoomaysa 13 November 2017.

Mr. Iimaan oo ka hadlayay munaasibad ay u qabteen gunaanadka kaadhadh qaybinta, wuxuu kaloo digniin adag u diray xukuumadda iyo xisbiyada. Xukuumadda ayuu ugu baaqay inay ilaaliso inaanay wasiiradu ku ololayn hantida umadda, xisbiyaduna wuxuu ugu baaqay inay ilaaliyaan xeerka anshaxa doorahada.

Isagoo ugu horayn ka hadlaya xeerarka anshaxa wuxuu ydihi “Waxaynu samaysanay xeerka anshaxa kaas oo ay saxeexeen guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran, way inaga yara murkacatay oo labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani sida aynu doonaynay umay hirgalin anshaxii aynu saxeexanay, waxba ma laha waa bog laga soo gudbay waynu soo dhaafnay, hadda sadexda xisbi qaranba waxa horyaala anshaxii lagu galaayay doorashada waxaanu magan idiinka nahay oo aanu doonaynaa idinkay gacantiinii ku jirtaa oo waanu adkaynay, kuna soo dara waxii aad u aragtaan inay sii adkaynayso waliba, waxaynu ku shaqayn doonaa in aynu gacan bir ah ku qabano oo aanay noqon sidii hore  waayo haddii aynaan isku duubnaan oo aynaan anshaxa aynu dhiganay tixgalin sidee qaranka ku maamuli karayaa ninka guulaystaa, marka hore waa inuu isagu iska bilaabaa. Hadii aanad kaas hirgalin su’aal ayaa dul taagnaanaysa sidaad dalka u hagayso.anagu hadaanu nahay komishankii waan is ognahay inaan digniino bixinay oo ganaaxyo bixinay, waad ku mahadsantihiin ganaaxyadii aad bixiseen, waxay maanta noqonaysaa in ganaaxyadii hore ee aan idin ganaaxnay ay ka koraynayso oo wax ka badan oo culays ah ciidankii way maqlayaan oo loo dulqaadan maayo xisbi jabiya waxaynu kala saxeexano haddii kale imikaba waxaad tidhaahdaan saddexdii xisbi waad joogtaane ma saxeexayno anagu xeerka anashaxa ee doorshada lagu galaayo, markaas waynu ka tashan doonaa.”

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka oo hadalkiisa sii wataa xukuumaddana digniin u diraya waxa uu yidhi” Xukuumada waxaanu is yara dul taagaynaa doorasho ayaynu galaynaa qaranka oo dhan ayaad ka masuul tihiin, hantidii qaranka ayaad haysaan way ku jirtaa anshaxa dawlada iyadana waajibaadka saaran, waajibaadka saaran waxa weeye hantida qaranka dhex ayaa loo yahay idinka ayaana u haya hadaad tihiin xukuumadii, waxaanu idin faraynaa inaad ka waantowdaan in gaadiidka,shidaalka,Tv-ga,Idaacada iyo dhaqaalaha dawlada lagu galo ollolaha, waa mabnuuc waa mabnuuc.wasiirku marka uu ka qaybgalaayo ollolaha waxa haboon in gaadiidka dawlada ileen shicib ayuu ugu shaqaynayaaye, shidaalka shicib ayuu ugu shaqaynayaaye inuu shaadhkaas iska dhigo oo uu meel dhigo oo baabuurkiisa gaarka ah uu ku olloleeyo looma ogolaan doono inuu ku olloleeyo hantida dawlada oo xisbi gaar u yeesho, waan wada leenahay, saddexda xisbi ayaa wada leh.”

Guddoomiye Cabdiqaadir oo diyaar-garowgooda ka hadlaayay waxa uu yidhi”Komishan ahaan waxanu diyaar u nahay farsamo ahaan doorashadaasi inay dhacdo maalintii aynu u cayinay  hadii Alle ina gaadhsiiyo oo ah 13-ka Nov 2017-ka  oo ah maalin isniin ah  inaan u dareerno doorasho xor ah oo xalal ah oo hal qof iyo hal cod ah, taas anagu waanu idiin balan qaadaynaa, agabkii,qalabkii, shaqaalihii iyo dhaqaalihiina waanu haynaa.jadwalkii saacad walba way inoo qorontahay  oo saacadi saacad amaahan mayso, halagu diyaar garoobo in aynu doorashadaas si nadiif ah oo aynaan is xoogayn aynu ku galno. waxaynu diiwaangalintii nidhi waa sideed boqol iyo saddex iyo todobaatan kun iyo dheeraad ayaynu kaadhadhkii daabacnay kaadhadhkii waynu soo qaybinay oo gobalada dalka oo dhan waa aynu ka soo qaybinay oo waliba Alle aynu maanta ugu mahad naqayno inuu dalkeenu dhamays tiran yahay oo muwaadiniintii Somaliland gees ilaa gees uu maanta qof kastaa ku hamiyaayo inuu doorashada ka qaybgalo, waa mid Alle loogu mahadnaqo, hadaanu nahay komishanka waxaanu nahay dhex dhexaad waxay u qaybsami doonaan intaas aynu daabacnay, waynu gaynay intii la qaatay waa la qaatay intii kale waynu soo celinay gacantayada ayay ku jirtaa, gacan nabad ah ayay ku jirtaa waanuna idin tusaynaa.”

Gudoomiyaha komishanka doorashooyinka oo ka hadlaayay waxa doorashadani dooarashooyinkii hore kaga duwantahay waxa uu yidhi”Doorashadani waxay doorashooyinkii hore kaga duwan tahay dhawr arimood, goobta ay kontan qof iska diiwaangalisay, waa la helayaa inta kaadhkii qaadatay, waa la helaya inta aan qaadan oo hadday kontan qof ahayd oo afartan qaadatay tobankii soo noqday waanu idin tusaynaa, xisbiyadu maanta ha ku biyo cabaan in wax inaga qaladmayaa aanay jirin. dhawr iyo labaatan sano kadib waxyanu u bislaanay waxan la yidhaahdo doorashooyin wayna culustay markaas dhankayaga diyaar ayaanu ka nahay ee waa in diyaar loo wada noqdaa,ta saddexaad ee ay kaga duwantahay waxa weeyaan shaqaalihii waynu is dhaafin doonaa, ciidamada waynu is dhaafin doonaa ninna gobalkiisii iyo goobtiisii kama shaqayn doono, si loogu niyad samaado natiijada ka soo baxa halkaas, waxaanu qaadi doonaa in komishanada laftigooda aanu isku badal ku samayn doono oo gobalada ay ka shaqaynayaan aan loo nisbayn gobalka ay ka soo jeedeen, doorashadani waxay doorashooyika kaga duwantahay marka ay doorashadu socoto xarunta komishanka way hayaan goobta oo waa dhakhso. waxaan ku soo gabogabaynayaa inaan sharciyada ilaashano inaan gacmaa is qabsano, anagu xagayaga diyaar ayaanu nahay ee inay dadweynaha,xukuumada iyo xisbiyadu ay diyaar noqdaan oo aynu u diyaar garowno doorasho nadiif ah.”