Guddiga Doorashada Kenya Oo Mamnuucay Shirkadii Soo Daabacday Waraaqihii Cod Bixinta Doorashoyinkii U Dambeeyay Ee Somaliland Oo Ay Dacwadi Ku Socoto

0
557

Picture9Nayrobi(Geeska)-Guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay inay mamnuuceen inay xidhiidh dambe oo wada shaqayneed la yeeshaan shirkadda Smith and Ouzman Limited, oo ah shirkadii daabacday waraaqihii cod bixinta doorashooyinkii Somaliland iyo Kenya ee u dambeeyay, ka dib markii shirkadaas lagu soo oogay dacwad musuq-maasuq.

Shirkaddan madaxdeeda oo ah shirkad Ingiriis ah, waxa ku socota dacwad ay ku soo oogeen guddiga daba-galka iyo musuqa ee Ingiriisku, waxaana loo haystaa laaluush ay ku bixisay sidii ay u qaadan lahayd qandaraaska daabicista waraaqaha cod bixinta ee doorashooyinka wadamada Somaliland, Gaana, Kenya iyo Mauritania, waxaanay shirkada lagu eedaynayaa inay bixisay lacag ku dhow nus malyuun dollar oo laaluush ah.

Afhayeen u hadlay guddiga doorashooyinka Kenya ayaa wargeyska The standard ee ka soo baxa Kenya u sheegay inay gudiga doorashada Kenya liiska madow ku dartay shirkadaas islamarkaana aanay qandaraas dambe ka qaadan doonin, waxaanay sheegeen in doorashooyin laga qabtay deegaano ka tirsan Kenya aanay shirkadu soo daabicin waraaqihii cod bixinta.

Ka sakow, guddiga doorashada Kenya, waxaan ilaa hadda wax war ah laga haynin guddiga doorashooyinka Somaliland oo xidhiidh wada shaqayneed la leh shirkadan oo u daabacday waraaqihii cod bixinta ee labadii doorasho ee u dambeeyay. Gudiga doorashada Somaliland ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay shirkadaas iyo guddoomiyaheeda oo ay dacwadi ku socoto.