Guddiga Diiwaangelinta Iyo Hay’adda Qandaraasyada Oo Baahiyay Qandaraaska Diiwaangelinta

0
707

Picture5Hargeysa(Geeska)-Gudida farsamo ee diiwaangalinta madaniga ah ayaa gudida qandaraasyada qaranka u gudbisay dhukmatiyada lagu soo dooranayo shirkadii qaadan lahay qanadaaraaskaas diiwaangalinta madaniga ah.

Gudida qanadaaraasyada qaranka ayaa isla maantaba baahiyay in shirkadaha danaynaaya ay soo codsan karaan qanadaraaskaas oo awooda lagu saarayo in diiwaangalin madani ah oo heerkeedu sareeyo in laga qabto dalka.

Waxaana sidan wada jir u sheegay gudida farsamo ee diiwaangalinta madaniga ah iyo gudida qandaraasyada oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa. Ugu horayntii agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha ahana guddoomiyaha gudida farsamo ee diiwaangalinta madaniga ah Cadbisamad Cumar Maal oo arintaas ka hadlayaay waxa uu yidhi“Hadaanu nahay gudidii farsamada oo maandhaydna  ka haysata  gudida hogaaminta diiwaangalinta qaranka , waxaanu mudadii bisha ahayd ee aanu magacawnayan ku hawllanayn inaan dhamays tirno nidaamka ay diiwaangalintu noqonayso iyo qaabka aynu u fulinayno bilow ilaa dhamaad, shaqaalaha fulinayaa kuway noqonayaan iyo agabkii ay ku shaqayn lahaayeen, ayaanu mudadaas aanu ka shaqaynaynay, waxaana noo soo gabogaboobay in waxii qalab loo baahnaa nidaamkii lagu dooran lahaa, waxaanan soo gaadhnay in waxii shirkado ah ee danaynaya nidaamkan aanu soo dhamaynay ee diiwaangalinta inay ka soo qabgalaan, kaas ayaanan maanta(Shalay)  ku wareejinaynaa gudida qandaraasyada inay noo baahiyaan.”

Cabdisamad oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Dabadeedna ay yimaadaan kanbaniyada danaynaaya  ee awoodeedii dhaqaale,farsamo iyo aqooneedba leh, inay shirkadahaasi soo dalbadaan oo ku tartamaan qalabkaas nidaamka diiwaangalintu ku shaqayn lahayd.codsigaas kadib ayaa la kala qiimaynayaa oo la kala xulanayaa, qoraalkan  ayaanu ku dhan yahay kanbaniga la rabaa nooca uu noqonaayo,waxa laga rabo ee uu soo gudbinaayo, aqoon,farsamo iyo qalab ahaanba waxa uu sitaa intay tahay, ujeedada loo socdaana waa  cadaynta muwaadinka oo aanu qofku laba jeer qaadan karin, waa inuu qalabkaasi noqdaa mid ka casriyaysan kii hore ee aynu naqaanay oo xogta macluumaadka qofkaas oo dhan ka dhigi kara mid amaan ah, kaadhkiisa aqoonsigana muwaadinku waxa uu uga faa’idaysan doonaa adeegyada waxbarashada,caafimaadka iyo waxii kale ee uu muwaadinku hawlo ku fushan karaba, ayna xogtaasi noqoto furaha hormarka dalka, oo lagu fadhiisiyo horumarka iyo waxii mashaariic ah ee la fulinaayo. Waxaanu halkan u joognaa inaan guddoomiyaha qandaraasyada ku wajeejino RFP-gaas oo aad noo baahisaan hawshiina’na aad ka gudataan.”

Intaas kadib Guddoomiyaha gudida qandaraasyada Cabdilaahi Xasan Nuugaal ayaa baahiyay tartanka qandaraaskaas,kadib markii uu dhukmatigii kala wareegay gudidan farsamo.