Guddiga Cadaaladda Oo Shaqada Ka Fadhiisiyay Garsooreyaal Iyo Xeer Ilaaliyaal

0
961

Hargeysa(Geeska)-Guddiga cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland oo shalay fadhi yeeshay, ayaa soo saaray go’aamo isugu jira eris, bedel iyo digniin, kuwaas oo saameeyay garsooreyaal iyo xeer ilaaliyayaal.

Sida uu Geeska Afrika u xaqiijiyay guddoomiyaha maxkamadda sare Md. Aadan Xaaji Cali Axmed oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga cadaaldda, fadhigan waxa ay shalay guddigu cadaaladu shaqadii kaga joojiyeen Garsoore Maxamed Maxamuud Xirsi oo ka tirsan maxkamadda gobalka Gabiley, sidoo kalena waxa digniin kama dambays ah la siiyay Garsoore Idiris Maxamed Muxumed oo ah garsoore maxkamadda gobalka Maroodi-jeex, ka dib markii labadan garsoore dhawaan la arkay iyagoo ka qayb qaadanaya ololaha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE.

Sida uu guddoomiyaha maxkamadda sare sheegay, sidoo kale waxa la eryay laba garsoore oo ka tirsan gobalka Togdheer iyo xeer ilaaliyaha gobalka Saraar. Go’aamadan guddiga cadaaladu waxa kale oo ay isbedel ku sameeyeen garsooreyaal kooban iyo qaar ka mid ah xeer ilaaliyayaasha wadanka.