Guddiga Afgarad Oo Ka Hadashay Dhulka WFP Oo Habeen La Seestay

0
613

Hargeysa(Geeska)-  Gudida horumarinta beelaha Arab ee AFGARAD ayaa  war-saxaafadeed ka soo saaray dhul ay hay’adda WFP ay ku leedahay hargaysa oo xalay sees laga bilaay sida ay sheegeen AFGARAD.

1

War-saxaafadeedkaasi ay soo saareen gudida AFGARAD oo nuqul kamidi soo gaadhay Geeska Afrika, ayaa udhignaa isdan,

“Dadka dhulka sharcidarada ah seesanaya ayaa lagu yaqaanay inay saqda dhexe ama jimcayaasha wax seesaan marka ay is yidhaahdaan dadkii way rawaxeen.

Dawladii hoose ee Hargaysa ayaa xalay saqdii dhexe seestay meelihii ka banaanaa seeskii hore ee WFP da meelihii ka banaanaa iyagoo doonayay inay ka faa’iidaystaan xiliga dadku hurdaan ee habeen nimada ah.

Shalay subixii ayaa lagu soo toosay Dhulkii oo la seesay Kadib ciidan boolisa ayaana meeshii tagay, waxayna ciidanku soo xidhxidheen qaar kamida shaqaalihii ka shaqaynayay, ku wii hawsha wadayna way baxsadeen, waxayna arintaasi noqotay wax lala yaabo.

Sidaa daraadeed waxaanu u sheegaynaa dawlada dhexe haddii aan arinkaasi dhakhso  looga hawlgelin oo sharciga waafaqsan in hanti ay leedahay Qaramada Midoobay loo qacan dhaafo, horana aan dhawr jeer uga hadalnay, hay’adaha UN-tuna ay ka hadleen, wixii ay sida sharci darada ah ay udhiseena aan labaabiin waxaanu  u qaadanaynaa arin ay xukuumada dhexena kula socoto.

Kani waa baaq, haddii arinkan imika wax laga qaban waayana isku dhac ayay keenaysaa , dhibaato iyo khalkhal bayna inagu keenaysaa, haddii la ixtiraami waayo hantida ay hay’adduhu kuleeyihiin dalka.

heshiiska imika lala galay shirakada DP World ee dekada iyo kan WFP-du isku mid weeyi , haddii kan UN-ta la ixtiraami waayana kan dekedana  la ixtiraami maayo”