Guddiga Afgarad Oo Deeq Dhar Iyo Lacag Ah Gaadhsiisay Dhaawaca Dagaalada Dharkan-geenyo

0
598

Hargeysa(Geeska)-Gudida Horumarinta ee AFGARAD ayaa waxaa ay shalay deeq lacag ah iyo dharba ah ay gudoonsiiyen 25 nin oo ku soo dhaawacmey dagaalkii dhawaaan ka dhacey deeganka Dharkeyn-Geeyo ee gobalka Sool .

1

Agaasimaha cisbitaalka Hargeysa Dr. Askar, ayaa u mahadceliyay guddiga Afgarad ee deeqda gaadhsiisay dhaawaca reer Sool ee yaala cisbitaalka Hargeysa, “Aad ayaan ugu mahadcelinayaa guddiga Afgarad, waxaanay soo siyaarteen dhaawacan walaalahood ah oo ay doonayaan inay maalmahan Ciidda farxada kala qayb galaan.

Guddoomiyaha gudida AFGRAD Dr. Maxamed Warsame Ducaale oo halkaasi ka hadley ayaa yidhi “Waxaanu  soo booqaney walaalahayo oo dhawaac ahaan halkan u jiifa markaas waxaanu leenahay waa maalmo ciideed ,waa maalmo farxadeed , waa maalmo khayr .

Markaas waxaan leeyahay awoowayaal nabad wax ka wanaagsani ma jirto  ee balankeen waa nabad ” ayuu yidhi gudoomiyaha gudidaasi.

Maxamed Cali Madoobe iyo eng. Aadan Daahir Maxamed, oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay maalmaha ciidda la qaybsanayaan dadka dhaawaca ah ee ka soo jeeda gobalka Sool.

Guddiga Afgarad ayaa nin kasta oo ka mid ah 25-ka dhaawaca ah waxay gaadhsiiyeen macawis, shaadh, garan iyo cumaamad, iyadoo sidoo kale la siiyay lacag xaqal ciid ah oo dhan $ 100 (Boqol dollar) oo la siiyay qof kasta.

Xildhibaan Maxamed Wali oo ka tirsan golaha guurtida, kana soo jeeda gobalka Sool ayaa u mahadceliyay guddiga Afgarad.