Guddiga Afgarad Oo Dawladda Hoose Ku Eedeeyay Inay Dhul WFP Lahayd Ka Iiibisay Nin Ganacsade Ah

0
547

Hargeysa(Geeska)-Gudida Horumarinta ee AFGARAD, ayaa dawladda hoose ee Hargeysa ku eedeeyay inay nin ganacsade ah ka iibisay dhul dan guud ahaa oo uu maayarkii hore ee Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir siiyay hay’adda Qaramada Midoobay ee WFP. Dhulka ayaa ku yaala masalaha galbeed, waxaanu cabirkiisu yahay afar baloog.

1

Guddiga iyo dadweyne kale oo ay ku jireen masuuliyiin xukuumadda ka tirsani, ayaa waxay shirjaraa’id ku qabteen goobtaas WFP lahayd, iyagoo  madaxda dawladda Hoose ee Hargeysa ku eedeeyay inay nin ganacsade ah ka iibiyeen, waxaanay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqeen inuu soo kala gaadho dawladda Hoose ee Hargeysa iyo shacabka degmada Axmed Dhagax.

Guddoomiyaha guddiga Afgarad Dr. Maxamed Warsame Ducaale oo in badan ahaa shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo ugu horayn halkaas ka hadlay “WFP waa hay’adaha ugu waaweyn Qaramada Midoobay, waana hay’ad adduunyada si weyn looga tixgeliyo. Waa hay’ad Somaliland la ah saaxiib. meeshan la siiyay waa goobta ay ka dhisayso xaruntooda gobalka Geeska Afrika, si ay u noqoto xarun ay mucaawinada Itoobiya marto. Waxa haddaba la yaab leh arrintan oo arrin qaran ah in la iibiyo oo laga iibiyo nin wadaniya oo la yaqaano. Waxaanu soo ogaanay inaan hay’adda waxba la weydiin, iyadoo hay’adda uu dhulkani lacag ka gashay maadaama oo ay gidaar weyn ka dhisatay. Waxa ceeb inagu ah intaan wax bixino weliba hay’ado Qaramada Midoobay siino inaynu haddana iibino, dhaqan iyo caadana inooma aha. Haddii sharcigii uu maayarkii ka gudbay oo uu ku tuntay annagu wadnahaanu farta ku haynaa. Dawladii Hoose ee Hargeysa waxaanu leenahay qalwadii mas baa galay.” sidaas ayuu yidhi Dr. Maxamed Warsame.

Wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu arrintan soo farogeliyo oo uu wax ka qabto.

Maxamed Cali Madoobe oo isna ka tirsan guddiga Afgarad, oo isna halkaas ka hadlay ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in la iibiyo dhulkii hore loo siiyay WFP, “Waa arrin aad iyo aad loola yaabo, wax loogu dulqaadan karo maaha. Maanta waxay maraysaa WFP halkii la siiyay ee ay xarunta ka samaysan lahayd in laga iibiyo nin ganacsade ah si yar oo sahlan wax caqliga geli karaya maaha, wax aanu qaadan karnana maaha.” ayuu yidhi Maxamed Cali Madoobe oo intaas raaciyay fariin uu u diray Madaxweynaha oo uu nuxurkeedu ahaa inuu arrintan wax ka qabto. “Arrintaasi waxay keenaysaa isku dhac, waxaanu xukuumadda dhexe ka codsanaynaa inay arrintan sida ugu dhaqsaha badan u soo farogeliso.” ayuu yidhi Maxamed Cali Madoobe.

Maareeye xigeenka telefishanka Qaranka Md. Mustafe Maxamuud Qodax, oo isna halkaas ka hadlay ayaa wuxuu yidhi “Seeskan weyn ee inaga dambeeya oo dan  guud ahaa oo la siiyey WFP hay’adda  la yidhaahdo waxaynu wada ognahay walaalayaal dhulka danta guud waa wax qaranku wada leeyahay, qof kasta wey taabanaysaa, halkan aynu imika wada joogno ee Caasimadda Hargeysa dhinaca doonto ka degenoow oo waa wax la wada leeyahay. Waxay dadku ka damqadeen ee aanu iskugu nimid waxa weeye dadkii danta guud laga jaray markii beerta la qorshayeynayey, waxay ku qanceen markii la yidhi dhulkan dan guud baa laga dhigayaa, oo wax dadku wada leeyahay baa laga dhigaya, laakiin haddii la iibsanayo qofka beerta leh ee meesha bixiyey ayaa lacagta u baahnaa oo iibsan lahaa, arinku waa sidaas.”

wuxuu Mustafe Qodax intaas raaciyay “Waxa aan wax la qaadan Karin ah in seeska intaas leeg ee sagbada ahi ku yaalo afar baloog, in la yidhaahdo maanta magaaladii baa soo gaadhoo lacag buu gooynayaa dadkii golaha deegaanka ee Caasimadda loo doortay inay horumariyaan miyaanay mushkilad ahayn inaynu maanta ka hor taaganahay inay waddooyinkii iyo baloodhadii cunayaan, waa mushkilad, shaqo kuma laha dawladda dhexe anigu Digreeto Madaxweyne baan ku magacaabanahay, Maareeye-xigeenka TV-ga Qaranka ayaan ahay, laakiin weynu wada leenahay, wixii khalad ahna cid alaale cid laga yeelayo iyo cid loogu dulqaadanayo ma jirto Maayarka haddii ay tahay, Maayar ku xigeenka haddii ay tahay, haddii Golaha Deegaanka tahay, Shaqaalaha dawladda hoose haddii ay tahay, halka aanu taaganahay haddii uu qof qaadanayo qofkii lahaa baa qaadanaya, cid ku gorgortami kartaa ma jirto, cid iibin kartaa ma jirto, Guriga WFP dhisataa waa Guri qaran, waa Guriga UNICEF ee halkaas ka dhisan oo kale, Wasaaraddaha qaranka oo kale weeye.”

Isagoo golaha deegaanka Hargeysa la hadlaya wuxuu yidhi “Waddooynkii ha xidhina,talo ayaanu idin siinaynaa, waano ayaanu idin siinaynaa qof waliba in buu hayaa xilka waad ka tagaysaan sumcad kaga taga intaad joogtaan, waxyaabo badan oo ceebaad sameeyseen haddii aad Golaha Deegaanka tihiin runtaan idiin sheegaynaaye, halkana tii ayey qayb ka tahay, ma cuntamayso; ma soconayso cid lagama iibin karo, qof ma dhisan karo, ama WFP baa qaadanaysa, oo Hay’addii la siiyey ayaa qaadanaysa.”

Maareeye Mustafe Qodax, wuxuu ugu dambayn dawladda Hoose ee Hargeysa ugu baaqay inay ka noqoto go’aankaas, si aanay isugu dhicin bulshada.

Oday Siciid Daahir iyo Haashin Mahdi oo isna ku hadlayay magaca dhallinyarada, ayaa iyaguna waxay cambaareeyeen dawladda Hoose ee Hargeysa, iyagoo ganacsadaha goobta laga iibiyayna ugu baaqay inaanu lacagtiisa iska gelin meel cidlo ah.

Dawladda Hoose ee Hargeysa oo ay saxaafadu la xidhiidhay si ay eedahan wax uga weydiiso ayaan ka hadal.