Guddida Wanaag Farista Oo Ka Digay Dhaqan Xumao Ay Sheegeen Inay Soo Kordhayso

0
1039

Hargeysa (Geeska)-Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland ayaa ka digay dhaqan xumada iyo wax kasta oo anshax xumo ku ah Diinta Islaamka, waxayna Xukumadda iyo Ciidanka Booliska ku bogaadiyeen hawl-galkii ay timaha kaga jarayeen Dhalinyarada timahooda u xiirtay sida aanay Diinta Islaamka aanay raali ka ahayn.

Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland oo Shalay shir jaraa’iid ku qabtay xafiiskooda ayaa sidoo kale baaq u diray Xukuumadda iyo Waalidiinta Somaliland, waxayna ku taliyeen in Dhalinyarada laga warhayo, waxaana ugu horeyn Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale, ayaa yidhi “Waxaanu bayaan ka jeedinaynaa arimaha ay ku dhaqaaqday Dawladdeena cusub, ee ku saabsan dhaqan celinta iyo anshaxa wanaagsan, waa arin aad u wanaagsan waa arin halkiisi la dhigay, waa arin ku haboon in la wado, waana arin qof kasta oo damiir leh, oo ILLAAHAY damiir wanaagsan siiyey uu ku farxay, waana arin loo baahan yahay in la saxo, maxa yeelay dad islaam ah ayaanu nahay, dhaqan wanaagsan baynu leenahay, haddii dhaqankii la tagay oo dhaqan kale la soo waariday, in dhaqankaas aan waxba inaga galin laga hor tagaa waa shay sharciya, oo ILLAAHAYNA raali ka yahay, Diinta Islaamkuna ay qabto, markaas waxaanu rabnaa in aanu Dawladda ku taageerno haddii aanu nahay Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista, talaabadaas ay qaadeen, ee afarta cisho socotay, waanu socon doonaa haddii ALLE yidhaahdo, arinkaasi sida aanu filayno, sida aanu ka dhegaysanay Wasiirka Awqaafta Sheekh Khaliil ILLAAHAY khayr ha siiyo waa arin socon doona”.

Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale, ayaa dhinaca kale ku taliyey in wax laga qabto Dhalinyarada habeenkii dadka baadha, ee Mobilada ku dila, waxaanu xusay Dhalinyaradaas loo baahan yahay in talaabo sharciya laga qaado, waxaanu ku taliyey in Dhalinyarada loo xidho falalka amni darada ah, in Jeelasha wax lagu baro, oo dhaqan celin loo sameeyo, waxa kale oo uu ka digay in Baraha Bulshada si xun loo adeegsado, waxaanu Waalidiinta kula taliyey inay Ubadkooda ka war hayaan, oo ay la socdaan.

Sheekh Ismaaciil Cabdilaahi, oo isna arintan ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu ugu mahadnaqaynaa Dawladda cusub,ee ku dhaqaaqday diinteenu waxay ina farayso iyo dhaqankeena wanaagsan, madaama aynu nahay umad boqolkiiba boqol islaam ah, ma kala foga dhaqankeena iyo diinteenu, waana amaano aynu masuul ka wada nahay, Madaxweynaha iyo Dawladdana waxaan uga mahadnaqaynaa dhaqankaas wanaagsan Islaamka wafaaqsan ee ay ku dhaqaaqday, cida aan bil’aandanka ku shugriyini, ILLAAHAY kuma shugrido”.

Guddoomiyaha Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista ee Degmada Gacan Libaax Sheekh Muuse Jaamac, Guddoomiyaha Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista ee Degmada Maxamuud Haybe Sheekh Axmed Sheekh Muxumed Cali, Guddoomiyaha nabada ee Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Sheekh Garaad Khalid Muuse, oo iyana shirkaas jaraa’iid ka hadlay, ayaa Xukuumadda Somaliland ku bogaadiyey talaabada ay timaha kaga jareen Dhalinyarada, waxayna xuseen inay Guddi ahaan mar walba taageersan yihiin wax kasta oo dhaqanka iyo diinta islaamka lid ku ah in wax laga qabto, oo gacan wax lagaga qabto, waxayna tilmaameen inay Guddi ahaan talo iyo waano u soo jeediyeen guud ahaan Dhalinyarada reer Somaliland iyo guud ahaan Shacabka reer Somaliland, waxayna ku taliyeen in walba laga feejignaado wax kasta oo Diinta Islaamka inaga xarimtay, ALLENA ka cadhaysiinaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here