Guddida Qaranka Ee Mihnadlayaasha Caafimaadka Oo Soo Saaray Amar Ku Waajahan Mihnadlayaasha Caafimaadka Ee Ajaanibka Ah

0
776

Picture3Picture3Hargeysa(Geeska)- Guddida Qaranka ee Mihnadlayaasha  Caafimaadka ayaa soo saaray amar ay  mihnadlayaasha caafimaadka ee ajaanibka ah ee ka shaqeeya Somaliland ama doonaya inay shaqo u yimaadaan inay gudida ka soo dalbadaan ruqsad ay ku shaqayn karaan.

Gudidu sida oo kale waxa ay fartay goobaha caafimaadka inay soo diiwaangaliyaan mihnadlayaasha caafimaadka ajaanibka ah ee la shaqeeya. Qoraalka rasniga ah ee ay soo saareen Guddida Qaranka ee Mihnadlayaasha  Caafimaadku waxa uu u dhignaa sidan.

Guddida Qaranka ee mihnadlayaasha caafimaadku Markuu arkay Xeer Lr. 19/2001; gaar ahaan qodobbadiisa:

Qodobka 2aad, farqadihiisa 1, 4, 5 iyo 6

Qodobka 14aad, farqadihiisa, 1 iyo 2

Iyo Qodobka 16naad: farqaddiisa 1, 2, 3, iyo 4

 

Markuu la tashaday wasiirka wasaaradda Caafimaadka JSL:

 

Waxa uu farayaa dhammaan:

1. Mihnadlayaasha caafimaadka ee ajaanibka ah ee ka hawlgala goobaha caafimaad ee dalka in ay muddo 30 maalmood gudahood ah xarunta guddida Qaranka ee mihnadlayaasha caafimaadka (NHPC) u soo gudbiyaan codsi ay ku dalbanayaan diiwaangelin iyo in la siiyo rukhsad ay dalka gudihiisa kaga hawlgeli karaan.

2. Mihnadlayaasha caafimaadka ee ajaanibka ah ee danaynaya in ay ka hawlgalaan goobaha caafmaad ee kala duwan ee dalka (Si joogto ah ama si muddo gaaban) in ay xarunta guddida qaranka ee mihnadlayaasha caafimaadka u soo gudbiyaan  codsi ay ku dalbanayaan diiwaangelin iyo in la siiyo rukhsad/ogolaanshiyo ka hor inta aanay bilaabin shaqada/dalka iman.

3. Dhammaan rugaha caafimaadka ee ay la shaqeeyaan mihnadlayaal caafimaad oo ajaanib ah ama doonaya in ay imika keenaan dalka, waxaa la farayaa in ay soo gudbistaan codsi ay ku dalbanayaan rukhsadda iyo diiwaan gelinta ka hor inta aanay dalka keenin.

FG: Faahfaahinta Shuruudaha iyo tilmaaamaha hab-raaca diiwaangelinta iyo rukhsad qaadashada waxaa laga heli karaa barta internetka ee guddida oo ah: www.nhpcsomaliland.org ama xarunta guddida oo ku taalla xaafadda Badda Cas ee degmada I. Koodbuur ee magaalada Hargeysa.

Allaa Mahad leh:

 

Agaasimaha fulinta ee guddida