Gudd. Guddida Joogtada Ah Ee Wakiillada Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Xadhigii Dhalinyarada Oo Uu Sheegay In Reer Berbera Ahaan Loo Beegsaday

0
472

Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland oo isla markaana ah afhayeenka Xisbiga mucaaradka ee Waddani, xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa ka hadlay xadhiga Dhalinyaro habeen hore xabsiga loo taxaabay oo loo malaynaya in sababta xadhigoodu la xidhiidho ka qaybgalka iyo ku lug lahaanshiyaha kulan kooxo dhalinyaro iyo aqoonyahan ahi ay dhowaan ku gorfeeyeen heshiiska maamulidda dekedda Berbera ee ay Somaliland la gashay shirkadda DP World ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

1

Xildhibaan Ibraahim Buubaa, xadhigan oo dhalinyarada la xidhay uu ku jiro afhayeenka Garabka  Dhalinyaada ee Xisbiga Waddani uu ku tilmaamay mid sharci daro ah oo aan loo marin dhabbihii sharciga ahaa maadaama oo aan dhalinyaradan lagu soo xidhin waaran maxkamadeed, isaga oo xukuumadda ugu baaqay in sida ugu dhakhsaha badan dhalinyaradaas xoriyadoodii dib ay ugu soo celiso.

Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee Golaha wakiilladu waxa uu ku dooday in xadhiga dhalinyaradan laga lahaa ujeeddo gaar ah.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo warbaahinta la hadlaya ayaa ugu horeyn yidhi, “Waan canbaaraynayaa xadhigaas Maxamed Siciid Dhame oo ah Garabka Dhalinyarada Xisbiga iyo xubnaha kale ee lala xidh-xidhay, Dawladdana waxaan leeyaha cadaadis, cabudhin iyo cago juglayni waxba kuma hagaagan, dhalinyaradaas xoriyadoodii ha loogu soo celiyo sida ugu dhakhsaha badan, waxa lagu jiraa bil Ramadaan inaga oo khayrkeeda iyo wanaageeda ka faa’iidaysanaynaa waxaan jeclaan lahaa inay xukuumadda iyo Ciidamada boolisku ka digtoonadaan xadhiga bilaa sharciga ah ee aan haysan sifihii sharciga ahaa ama waaran maxkamadeed”

Xildhibaan Ibraahiim Buubaa waxa uu xadhigan ku masaalay kii xukuumadihii keli taliska ahaa, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Sidii Xukuumadihii kaligii taliska ahaa in suuqa laga ugaadhsanayo (Dadka) oo inta qofka magaciisa loo soo dhiibo (Askarta) laga daydayo maqaaxiyaha, waanu canbaraynaynaa”

Xildhibaan Ibraahiim Buubaa oo ka hadlaya, sababta xadhiga dhalinyaradani waxa uu intaas ku sii daray, “Dhalinyaradaasina waxay ka hadashay maalgashiga Dekadda Berbera, xaqna waa ay u leeyihiin inay ka hadlaan, maaha ajinabi, fikirkooda xor bay u yihiin, dastuurkaa xaq u siiyey qof walba oo muwaadin ahi in uu fikirkiisa dhiibto”

Ugu dambayntii xildhibaan Ibraahim Buubaa waxa uu sheegay in arrintani ay leedahay ujeeddo gaar ah isaga oo taas ku sababeeyey sida uu sheegay in dhalinyaradii badnayd ee hadalka iyo abaabulkaba kaga qayb qaadatay kulankaas ee laakiin beelaha kale ahaa aan cidi la hadlin ama la xidhin, laakiin la xidhay kuwii ka soo jeeday deegaanka Berbera oo keliya, isaga oo arrintaas ku tilmaamay mid cid gaar ah ka soo baxday. Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Markaa waxa iyaga (Dhalinyarada xidhan) gaar looga dhigtay ee dhalinyaradii kale ee shirkaas kula socday ee ka soo jeeday beelaha kale ee Somaliland, iyaga reer Berbera ahaan gaar looga xushay, waa arrin sharciga baalmarsan muujinaysana inay tahay arin meel gaar ah ka soo baxday.

Mar labaad iyo mar saddexaadba waanu canbaaraynaynaa waxaanu leenahay Dhalinyaradaas xoriyaddoodii sida ugu dhakhasaha badan ha loogu soo celiyo"