Goos Gooska: Madaxweynaha Dunida Ugu Qanisani Waxa Ku Nool Yahay Qasri Dahab Lagu Xardhay, Weelka Uu Wax Ku Cunaana Waa Dheeman

0
1305
 
buranBrunei- Madaxweynaha ugu dhaqaalaha buuran madaxda kala duwan ee dunida maanta hoggaamisa ayaa lagu sheegay in uu yahay Suldaanka boqortooyada Brunei Xasan Bulqiyah oo caan ku ah xarrakada iyo isticmaalka xad dhaafka ah ee lacagta. 

Suldaan Xasan waxa uu caan ku yahay isticmaalka dahabka iyo macdanaha kale ee qaaliga ah, tusaale ahaan weelka uu wax ku cunaa waxa uu ka samaysan yahay dahab, hu’ga uu xidhanna waxaa ku jira dun biyo dahab lagu dahaadhay. Qasirga uu Suldaan Xasan Baqleh deggen yahay ayaa ah kan dunida oo dhan ugu ballaadhan, waxa uu ka kooban yahay Kun toddoba boqol iyo siddeed iyo siddeetan (1788) qol, waxaana meelo badan oo qasriga ka mid ah iyo weliba qalabka dhex yaallaa uu ka samaysan yahay dahab saafi ah, xataa qalabka xamaamka iyo suuliga yaalla ayaa dahab lagu dahaadhay.

Qasriga Suldaanka ayaa la sheegay in qofka doona in uu dhammaantii dhex wareego qol kastana galaa uu u baahan yahay waqti 24 saacadood ah, weliba waa haddii uu qol kasta soddon ilbidhiqsi oo keliya ku jiro, haddii uu u baahan yahay in uu ka bogtana maalmo waa in uu ku qaataa.

Brunei ama oo magaceeda rasmiga ahi yahay Brunei Dara-Salaam Ummadda Brunei iyo arlada nabadda, waxa ay ku taallaa xeebta woqooyi ee jasiiradda Borneo ee koonfurta bari ee qaaradda Aasiya, marka laga reebo dhinac yar oo uu dalku kaga xidhan yahay baddaa Koonfurta China jihooyinka oo dhan waxaa si buuxda ugaga wareegsan gobolka Sarawak ee dalka Malaysia, waxaa la odhan karaa waa dhibic yar oo ku dhex taalla Malaysia oo haddana ah dal madax bannaan. Qarnigii 15 aad ayey dadka dalkani diinta Islaamka qaateen, waxa uu xorriyaddiisa ka qaatay dalka Ingiriiska 1984-kii caasimadda dalkuna waa Bandar Seri Begawan.

Boqolkiiba 70 dadka dalku waa Muslim, inta soo hadhay waxa ay isugu jiraan Budhism, masiixiyiin iyo diin-laawayaal sida ay u kala horreeyaan ayaanay u kala badan yihiin, laakiin dalka waxaa si adag loogaga dhaqmaa shareecada Islaamka, waana boqortooyo qoyska boqrotooyadu uu talada dalka oo dhan gacanta ku hay. Brunei oo ah dalka Afaraad ee dalalka Koonfurta Asia ugu soo saarka badan shidaalku waa dal qaniya oo dhaqaalaha shidaalka wax badan laga taro dadka shacabka ah, gaar ahaan caafimaadka oo ay dawladdu dammaanad qaadday kharashka muwaadin kasta kaga baxaya, xataa haddii dhakhtar dibadeed in loo diro ay noqonayso

 

googooska geeska afrika