Goolhaye Neuer Oo Garoomada Kamaqnaan Doona Muddo 8 Bilood ah

Published on Apr 20 2017 // Ciyaaro

Bayern Munich ayaa xaqiijisay dhaawaca goolhayaha qaranka jarmalka Manuel Neuer kaas oo kamaqnaan doona inta xili ciyaareedkan kahadhay sida uu xaqiijiyay Karl-Heinz Rummenigge. Goolhaye Neuer ayaa ka jabay cagta sida warbixinta lagu sheegay xilli uu dagaal ugu jiray inuu badbaadiyo goolkii sadexaad ee Cristiano Ronaldo markaas oo uu fool ka fool u wajahay Marcelo. Bayern goor hore oo saakay ah ayey ku dhawaaqday in xidigaan xaaladiisa ay ka warbixin doonaan, balse 31-jirkan waxaa la xaqiijiyay inuu maqnaan doono muddo 8-bilood ah.

“Neuer waxaa soo gaadhay dhaawac khatar ah” Ayuu yidhi gudoomiyaha kooxda Bayern Munich. Waxaanu sii raaciyey “goolhaye Neuer Wuxuu garoomada ka maqnaan doonaa muddo 8 bilood ah” Si kastaba ha ahaatee,  Manuel Neuer ayaa kusoo laabtay garoomada kaliya lugtii hore ee ay Bayern 2-1 guuldaro ah kala kulantay Real Madrid kadib markii uu dhaawac ku seegay sadex kulan oo Bundesliga ah. Sven Ulreich ayaa badali doona Manuel Neuer kaas oo kusoo bilaaban doona kulan walba oo ka hadhay xili ciyaareedkaan.

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!