Google Oo Donald Trump Magaciisa U Aqoonsaday ‘Abu Ivanka’ Oo Ah Magac Ay Dadweynaha Carabtu U Bixiyeen

0
618

Washington (Geeska)- Tan iyo maalintii uu Donald Trump shaaciyey damaciisa ahaa in uu isu sharraxo madaxweynaha dalka Maraykanka illaa maanta oo uu madaxweyne yahay waxaa jira dadweyne Carbeed oo baraha bulshadu ku xidhiidho isku dhaafsanaya faallooyin iyo ereyo maadays ah oo ay ku muujinayaan in ay ka heleen inanta uu dhalay madaxweynaha ee Ivanka Trump.

Markii Ivanka uu xilka madaxweynaha qabtay waxa uu inantiisa u magacaabay latliyihiisa aan rasmiga ahayn ee Guriga Cad, waxa aanay taas keentay in Ivanka aad loogu arko fagaarayaasha siyaasadda Maraykanka, dad badanina ku doodaan in ay aabaheed saamayn ku leedahay, sidaas awgeedna ay qayb ka tahay maskaxda maamusha dalka Maraykanka.

Kooxo bulsho oo Carab ah ayaa madaxweyne Trump u bixiyey ‘Abu Ivanka Al-Amiiri’ oo ah Ivanka aabaheedii, magacaas ayaa si aad ugu soo noqnoqday warbaahinta bulshada ee dunida Carabta, iyo xitaa tiro badna oo ka mid ah maqaallada siyaasiga ah ee qoraaga Carbeed ka qoro arrimo ay tahay in si uun loogu soo hadal qaado madaxweyne Trump.

Shirkadda Google oo u muuqata in ay qaadatay magacan ay sida aadka ah u isticmaaleen dadka wax qora, isla markaana doonayso in ay muujiso in qayb ka mid ah oo la dareen ah bulshada.

Google waxa ay magaca Carabtu u bixisay Trump ‘ee ah Abu Ivanka, ereygaas oo afka Soomaaliga ku noqonaya Ivanka aabaheed. Iyada oo illaa maanta marka aad Google geliso magaca Abu Ivanka uu kuu soo baxayo magaca rasmiga ah ee madaxweyne Donald Trump.

Dadka qaar ayaa ku doodaya in sababta ay dhalinyarada carbeed magacan ula jeclaadeen inantiisu ay tahay duurxul ay isaga iyo dadkaba u sheegayaan in Ivanka Trump ay awood badan ku dhex leedahay maamulka guriga Cad iyo talada aabaheed.