Goob-Jooge Ka Waramay Qaabka Ay Oromadu U Laysay Soomaalida Iyo Sidii Loo Soo Badbaadiyay

0
1135

Jigjiga(Geeska)-Axmed Maxamuud Ciise oo walaalkii lagu dilay magaalada Haawadaay isla markaasna si dirqi ah ay ku badbaadiyeen ciidamada Itoobiya ayaa ka xog waramay sida Haawadaay loogu laayay dadka Soomaalida ah oo uu goobjoog ka ahaa.

Ninkan oo isagoo so gaadhay magaalada Jigjiga u waramay BBC-Somali, kana hadlaya wixii dhacay wuxuu yidhi   “Sida ay wax u dhaceen walaal waxa weeye anaga oo aanan waxbo iska jireynin ayaa waxaa nasoo weeraray ciidamada booliiska Oromada iyo dhalinyaro faashash ku hubeysan, inankii oo markaas suuliga tagay ayay ku dageen, anagiina markaan aragnay waxa dhacaya aqalka xagga dambe ayaan ka baxnay, waxaana nasoo badbaadiyay ciidammada militariga ”

Axmed oo la waydiiyay halka uu ku sugnaa waxa uu yidhi”haawaday dhexdeeda ayaanu ku sugnayn.”

Ninkan goob joogaha ahaa oo ka hadlaayay maydadka uu arkay oo la su’aalay waxa hadaladiisa ka mid ahaa”Waa ay jiraan oo 50 qof ka badan ayaanu is dultaagnay ciidanka qaranku markay na soo badbaadiyeen, ayaanu  wadada ku aragnay ilaa intaas nala soo waday oo jigjiga nala keenay.”

Axmed Maxamuud Ciise ayaa sida oo kale sheegay in ay halkaas arimo ganacsi u joogeen” ganacsibaan u joognay, dadkan la laayay waa dad ganacsi u joogay maaha dad deegaan ah.”

Ugu danbayntii waxa uu Amxed sheegay in aanu ku noqon doonin haawaday oo uu muddo badan ahaa mid arrimo ganacsi u joogay”lagama yaabo taas iyadaa ah, labaatan sano ayaan joogay waxaan ku arkayna lagama yaabo inaan dib ugu noqdo.”

Geesta kale Wararka ka imanaya magaalada Jig Jiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegay in shalay halkaas aas wadareed loogu sameeyay illaa 28 qof oo la sheegay in lagu laayay deegaanka Hawaday ee u dhow magaalada Harar.

Aaska ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar oo hadal uu halkaas ka jeediyay dilka ku eedeeyey ismaamulka Oromiya ee dariska la ah, balse waxa uu sheegay in dadka shacabka ah ee Oromada aaanay  wax eed ah lahayn, qaarkoodna ay badbaadiyeen dad Soomaali ah oo la baacsanayay.

Sidoo kale afhayeen u hadlay ismaamulka Oromiya oo lagu magacaabo Adisu Arega ayaa BBC-da u sheegay in dadka dhintay ay dhanyihiin 18 qof, kuwaas oo uu sheegay in 12 oo kaliya ay Soomaali yihiin, halka 6-da kale ay Oromo yihiin.

Wuxuu sheegay in rabshadaha ay biloowdeen kadib markii ciidamada Liyuuga ee Ismaamulka Soomaalida ay afduubteen saraakiil ka tirsan maamulka Oromiya oo markii dambe la dilay. Eedeyntaasi waxaa diiday dowlad deegaanka Soomaalida.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in xitaa ciidamada militariga Soomaaliya ay ku lug leeyihiin dilalka ka dhacaya ismaamulka Oromada, sida uu hadalka u dhigay.