Golaha Wasiirada Oo La Soo Hordhigay In Somaliland Taageerto Xulafada Sucuudiga & UAE Iyo Dood Xaasaasi Ah Oo Sababtay In Dhexdhexaad La Noqdo

0
500

Hargeysa(Geeska)-Shirkii golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee khamiistii, ayaa waxa ka dhacday dood xaasaasi ahayd oo salka ku haysay doorka Somaliland ee khilaafka diblomaasiyadeed ee wadamada Khaliijka.

Sida ay ilo xogogaali u sheegeen Geeska Afrika, shirkaas oo uu guddoominayay Madaxweyne Siilaanyo, ayaa wasiirka madaxtooyada Somaliland Md,. Maxamuud Xaashi Cabdi, wuxuu soo bandhigay qodob ku jiray ajandaha shirka oo ahaa in Somaliland barbar istaagto dalalka Khaliijka ee go’doonka geliyay dalka Qatar, isagoo sheegay in dalalka Khaliijka gaar ahaan Imaaraadka Carabtu uu xidhiidh iyo wada shaqayn wanaagsan la leeyahay Somaliland, waxaanu soo jeediyay in la ansixiyo in Somaliland barbar istaagto dalalkaas kala ah Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Masar iyo Baxrayn. Maxamuud Xaashi ayaa sheegay inay Somaliland siyaasad ahaan u wanaagsantahay inay doorkeeda ciyaarto si ugu yarana loo dareemo culayska ay leedahay. Waxaana doodda Wasiirka madaxtooyada oo uu gundhig uga dhigayay xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta taageeray xubno kale oo wasiiro ah.

Hase yeeshee, waxa soo jeedintaas wasiir Maxamuud Xaashi ka horyimid wasiirka hawlaha guud Cali Maxamed Xasan (Mareexaan) oo la sheegay inuu ku dooday inay Somaliland u wanaagsantahay inaanay dhex gelin khilaafka dalalka Khaliijka maadaama oo aan la aqoonsanayn. Doodda Wasiir Cali Mareexaan waxa taageeray wasiiro kale.

Markii ay doodu badatay ayaa waxa la isku raacay in cod loo qaado soo jeedinta wasiirka madaxtooyada, waxaana in Somaliland taageerto dalalka Khaliijka oo ka qayb gasho go’doonka Qatar la gelinayo taageeray 15 wasiir, halka ay 18 wasiir oo u badnaa wasiir xigeeno taageereen fikirka ah inaanay Somaliland dhex gelin khilaafka dalalka Khaliijka, waxaana la isku raacay in sidaas lagu baajiyo taageero Somaliland u muujin lahayd xulada Sucuudiga iyo Imaaraadku horkacayaan.

Doodda oo adkaatay iyo xaasaasiyada mawduucu lahaa darteed, markii codku dhammaaday waxa la isku raacay inaanay wararka arrintan ku saabsani u gudbin saxaafadda iyo dadweynaha.

Saxaafadda Madaxabanaan iyo mida dawliga ah oo iyagana madaxtooyada looga yeedhay si loogu sheego natiijada shirka golaha wasiirada oo markii hore la filayay inay taageeri doonaan in dalalkaas xulafada ah la garab istaago, ayaa markii dambe loo gudbiyay cudur daar nuxurkiisu ahaa inuu baaqday ajandihii la doonayay in loo sheego, si ay u baahiyaan.

Ka sokow, go’aanka ay golaha wasiiradu codka u qaadeen waxa ay wararku sheegeen in shirkaas laga dareemay kala qaybsanaan ka dhex jirta golaha wasiirada Madaxweyne Siilaanyo iyo weliba awooda wasiiro dhawr ah oo uu mid waliba dhinaciisa u doobyay.