Golaha Wakiilada Somaliland Oo La Horkeeni Doono Mooshinka Xil Ka Qaadista Maayarada

57
4810

Hargeysa(Geeska)-La taliyaha sharciga ee golaha wakiilada garyaqaan Cabdiraxmaan Hirad Jaamac, ayaa sheegay in mooshinka wax ka badalka doorashada duqa iyo kuxigeenkiisa ee golayaasha deegaanka ee dalka uu sharci ahaan sax yahay, isla markaasna ku taliyay in la hor geeyo golaha wakiilada ee Somalilad.

Qoraalka uu soo gudbiyay La taliyaha  sharci  ee  golaha wakiilada Somaliland ayaa laga hor akhriyay xildhibaanada golaha wakiilada, waxaana haatan loo gudbayaa in gola wakiiladu la hor keeni doono mooshin lagu yaraynaayo tirada xildhibaanada golaha deegaanka ee dooranaaya ama ridaaya duqa iyo ku xigeenkiisa.

Xoghayaha golaha wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo golaha ka hor akhriyaayay aqbalaada garyaqaanka ee mooshinka ka dhanka ah maayarada iyo kuxigeenada dalka codka xilka lagaga qaadi karo, waxa uu u dhignaa sidan”Mudane guddoomiye aniga oo tixraacaya qoraalkii ujeedadiisu ahayd qoraalkii ku saabsanaa xeer lanbar 23/202 oo ay soo gudbiyeen mudanayaashu kuna saxeexan yihiin mooshinkaas, faah faahintiisuna ahayd soo gudbinta mooshin ku saabsan wax ka badalka qod.66, faqradiisa 5-aad, ee xeer nambar 23202, qodobkaas oo tilmaamaya xil ka qaadista duqa iyo kuxigeenkiisa, sida ka muuqata qodobka 26-naad oo u dhiganta sidan, xil ka qaadista duqa iyo ku xigeenkiisu waxa uu ku ansaxayaa 3/2, tirada xubnaa golaha.

Kadib markii aan darsay nuxurka mooshinka ee mudanayaashu ay soo gudbiyeen, kadib markii aanu garwaaqsanay qod 24, faqradiisa 1-aad ee xeer hoosaadka golaha wakiilada xeer lanbar 12/2014 oo u dhigan sidan, mudanayaashu waxay xaq u leeyihiin inay soo qoraan codsi mooshin una soo gudbiyaan shir gudoonka, kadib markii aan dhuuxay faqrada 8-aad ee qod 42 ee xeer hoosaadka golaha wakiilada oo u dhigan sidan, tirada xildhibaanada golaha keeni kara mooshin waa in aanay ka yaraan 7 xildhibaan, kadib markii aan akhriyay qodobka 24, faqradiisa 3-aad ,xarafka B ee xeer hoosaadka golaha wakiilada  oo jidaynaaya habka codsiga iyo noocyada mooshin, una dhigan sidan , mooshin ku saabsan kaabis iyo wax ka badal mashruuc sharci ama kaabis mooshin. Haddaba anaga oo tixraacayna qod 24, faqrada 4-aad ee xeer hoosaadka golaha wakiilada 12/2014 oo u dhigan sidan, mooshinka waxa loo soo gudbinayaa la taliyaha sharciga si uu u hubiyo in mooshinkaasi xeer hoosaadka iyo dastuurka JSL waafaqsan yahay, sidaas daraadeed, waxaan xaqiiqsaday in mooshinkaas ay mudanayaashu soo gudbiyeen uu waafaqsan yahay xeer hoosaadka golaha wakiilada xeer lanbar 12/2014, isla markaasna waxaanu ku talo bixinaynaa in mooshinkaas loo gudbiyo gole weynaha si looga guto waajibaadkiisa sharciga.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here