Golaha Wakiilada Oo Saaka Lagu Balansanyahay Iyo Car Iyo Wir Ay Labada Garab Isla Hortagayaan

0
881

Hargyesa(Geeska)-Labada garab ee golaha wakiilada ee isku maandhaafsan natiijadii doorashadii shirguddoonka golaha wakiilada, ayaa saaka isugu imanaya xarunta golaha iyagoo si weyn u kala aragti fog, waxaanay isula imanayaan car iyo wir uu midiba midka kale ugu hanjabayo.

Garabka Guddoomiye Baashe ayaa iclaamiyay in saaka la dooran doono guddoomiye-xigeenka golaha wakiilada oo ah booskii uu isagu baneeyay. Laakiin garabka Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ayaa shirjaraa’id oo ay xalay qabteen waxa ay kaga digeen halis saaka ka dhalan karta fadhigaas, waxaanay ku baaqeen in golahaas la badbaadiyo si aanu murug u dhicin. Waxay ku eedeeyeen garabka kale inay diideen in la wada hadlo islamarkaana ay ka baxeen balamo la isugu keenayay oo la qabtay.

Garabka guddoomiye Baashe ayaa iyaguna ku adkaysanaya in fadhigu sidiisa u furmi doono islamarkaana lagu dooran doono guddoomiye-xigeenka golaha wakiilada.

Geesta kale xoghayaha golaha wakiilad Somaliland ayaa shalay ku dhawaaqay liiska 11 xildhibaan oo u tartamaaya kursiga guddoomiye ku xigeenka 1aad  ee golaha wakiilada oo uu baneeyay Baashe Maxamed Faarax.

Waxa uu sheegay in fadhiga maanta lagu dooran doono gudoomiye-xigeenka 1aad ee golahaas, waxaana u tartamaya 11 xildhibaan oo murashaxnimadooda gudbiyay, kuwaas oo kala ah:

1. Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle,

2. Xildhibaan  Axmed Cabdi Kaahin,

3. Xildhibaan Maxamuud Dhuunkaal Guutaale,

4. Xildhibaan  Saleebaan Cabdi Cawad Bukhaari,

5. Xildhibaan  Xasan Muuse Hufane,

6.  Xildhibaan Cabdilaahi Axmed Yuusuf Madar,

7.  Xildhibaan Maxamed Cumar Jiir,

8. Xildhibaan  Maxamuud Jaamac Warfaa,

9. Xildhibaan  Siciid Cilmi Rooble,

10. Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye

11. iyo Xildhibaan Maxamed Baaruud Shide"