Golaha Wakiilada Oo Farogelin Ku Eedeeyay Dawladda Soomaaliya

0
880

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka hadlay dagaalkii dhexmaray Cidamadda Somaliland iyo Puntland, waxaanu tilmaamay inay Dawladda Somaliya iyo Maamul Goboleedka Puntland ay faragalin iyo daan-daansi hayaan Somaliland, waxaanu sheegay in aan loo dulqaadan doonin.

Guddoomiyahaolaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, oo u waramay Warbaahinta ayaa ugu horeyn yidhi “Tukaraq waa dalka Somaliland, waxay u dhexeysa Garoowe iyo Laascanood, waa badhtankii, xuduuda Somaliland wali waxa maqan konton kale, todoba km ayey Garoowe u jirtaa xuduuda Somaliland, markaas Ciidamadda Somaliland oo hawshoodii wata, ayaa shalay lagu soo weeraray Tukaraq, waxaanad ogaydeen muddooyinkan dambe in Dawladda Somaliya iyo Maamul Goboleedka Puntland, waxay wadeen faragelin dibin-daabyo ay ka dhex abuurayaan labada dal Somaliland iyo Somaliya, taas oo ah xaalad abuur, oo raba qalaalse iyo nabadgalyo daro inay ka ridaan mandaqada Geeska Afrika, Dawladda Somaliya waxay cadddaysay in aanay ixtiraamayn heshiiskii lagu wada galay Hawada Istanbul, iyo mid kale oo ay wada galeen Hay’adda UN-ta, iyo labada dal ee Somaliland iyo Somaliya, oo inta lagu heshiinayo inay gacanta ku hayaan, shirkii Istanbulna sidaas ayaa lagu soo kala saxeexday, hadda waxay sameeyeen inay yidhaahdan Hawadii waxa lagu soo wareejiyey Somaliya, oo anaga ayaa hawada Somaliland xukumayna, taasina waa meel ka dhac lagaga dhacaayo Qaranka Somaliland, oo wax lagu yeelayo”.

Mar uu ka hadlaayey Barlamaanka Puntland ayaa yidhi “Waxaad ogeydeen in Barlamaanka Puntland markii Doorashada lagu jiray in 7/11/2017, in Wakiilada Puntland fadhiisteen, go’aanana ka soo saareen inay is hortaagan Doorashadu in aanay ka dhicin Sool, Sanaag iyo Buhoodle, taasina waa faragelin kale oo ay wadaan, oo badheedh ah, oo Barlamaankii dhammaa, in loo fadhiisiyey dal aanay lahayn inay sheegtaan oo ay yidhaahdan Doorasho lagama qaban karo, Dawladda Somaliland waxay mashquul ku ahayd in Doorashadaas oo xor iyo xalaal ahi dhacdo, Doorashadii wey dhacday, weydin ogeydeen inay meelo badan soo weerareen, Somaliland wakhti umay hayn dadka dariska ah inay dagaal ku abuurto”.

Mar uu ka hadlaayey Wasiirka Qorsheynta Somaliya ee yimid Badhan iyo Dhahar ayaa yidhi “Waxaad ogeydeen in Wasiir ka socda Faradalka oo ah Wasiirka  Qorsheynta iyo Wasiirka Amniga Puntland, iyo Xildhibaano Faradal ah iyo Xidlhibaano Puntland ah, inay Badhan yimaadeen, inay Dhahar yimaadeen, iyagoo sheeganaya inay dalkaasi uu ka mid yahay Somaliya, waxyabahaas oo is biirsaday ayaa dalka ka dhacay, Somaliland intaas jawaab kamay bixin, waxay ku jirtay daris wanaag, waa dad aynu walaalo nahay, Somaliland dhiig diyaar uma ah, dhiig hore ayey u soo gashay, waxay ka shaqeeynaysaa inay mandaqadu ku wada noolato nabad, laakiin wax loo dulqaadanayo maaha, dhacdooyinkaas oo dhan baa is raacay, haddana Ciidamadda Somaliland shaqadoodii caadiga ahayd, ayey wateen, waa la soo weeraray, waxa lagu weeraray dalka Somaliland, Qorilay ayaa ka sii horeysay, Qorilayna waa xuduuda Somaliland, oo Ciidamadda Madaxtooyada Puntland baa dad shacab ah ku soo weeraray Qorilay, Somaliland iyadoo xaq dhawraysa wax fal ah oo ay ka celisay ma jirto, markaas daan-daansigaas badheedhka ah ayaa ka socda, sidii loo wiiqi lahaa Qaranimada Somaliland”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here