Golaha Wakiilada Oo Durduro Ku Ansixiyay Wasiiradii La Horgeeyay

0
870

wasiiro

Hargaysa(Geeska) Golaha wakiilada ee Somaliland ayaa shalay cod aqlabiyada ku ansixiyay afar wasiir oo kamida xubnahii wasiirada ahaa ee uu dhawaan soo magacaabay madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo). Iyo laba xubnood oo golaha wakiilada kaga biirayay guddida cadaalda.

Wasiiradan golahu uu ansixiyay waxa ay kala ahaayeen wasiirka madaxtooyada Xirsi X.Cali .Xaan, wasiirka horumarinta reer miyiga Maxamud Saciid Maxamed, wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Cabdi Saciid Faahiye, wasiirka dib  u dejinta  Cabdirisaaq Cali Cismaan. Iyo labada xubnood ee golaha wakiilada kaga biira guddida cadaalda oo kala ahaa Cabdi Faarax Geedi iyo Aadan Jaamac maxamed.

Fadhigan golaha wakiiladau uu ku ansixiyay xubnahan horyaalay waxa shir gudoominayay gudoomiyaha koowaad ee golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxmed Cabdilaahi (Ciro), waxana ka soo xaadiray 64 mudane.

Ugu horayn intii aan loo galin cod bixinta xubanhan golaha horyaalay waxa uu xoghayaha golaha wakiiladu uu ka hor khariyay golaha taariikhda waxbarasho iyo heeraraka shaqooyin ee ay xubanahan soo mareen. Waxana la siiyay wakhti kooban xubnaha wasiirada ah oo ay golaha ugu soo bandhigayaan wax qabadka ay la damcsan yihiin wasaaradahan loo magacaabay.

Intaas kadib ayaa uu golahu gudo galay cod u qaadida xubnahan wasiirada ah waxana ugu horayn cod loo qaaday wasiirka madaxtooyada Xirsi X.cali Xasan waxaana cod gacan taaga ku ogalaaday 62 mudane, waxa diiday halmudane, gudoomiyahuna muu codayn.

Wasiirka dhirta iyo daaqa Maxmud Saciid Maxamed waxa cod gacan taaga ah ku ogalaaday 63 mudane, cidna madiidin cidna kamay aamusin, gudoomiyahuna muu codayn.

Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada waxa cod gacantaaga ugu codeeyay 63 mudane, cidna madiidin cidna kamay aamusin, gudoomiyuhuna ma uu codayn.

Wasiirka dubudajinta Cabdirisaaq Cali Cusmaan waxa cod gacan taaga ugu codeeyay 63 mudane cidna madiidin cidna kamay aamusin. Sidaas ayaa ay dhamaanba afartii xubnood ee golaha wasiiradu si durduro ah ugu an saxeen.

Waxana intaas kadib uu golahu gudo galay ansixinta labda xubnood ee golaha wakiilada kaga biirayay guddida cadaalda. Waxaana uu golahu ku meel mariyay cod aqlabiyada labdan xubnood.