Golaha Wakiilada Oo Damaanad Qaaday Inay Daba-Galayaan Dadkii Lunsaday Mashruucii Xumbo-Weyne

33
2840

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha guddiga arimaha bulshada ee golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), ayaa sheegay inay ka gudi ahaan baadhitaan ku samayn doonaan sababta mashruuci biyo balaadhinta ee Xumbo-weyne uu ku fashilmay.

Waxa uu xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere uu sheegay inay u yeedhi doonana cid kasta oo arintaas lug ku lahayd isla markaasna ay doonayaan in maxkamad la horkeeno cida lunsatay 157 milayan oo doolar oo mashruucaas loogu talo galay.

Cabdiraxmaan Dheere oo la hadlaayay tilifishanka Somnews, waxa uu yidhi “Guddi ahaan wasiirka waanu u yeedhaynaa, cid alle iyo ciddii ay khusayso ee hawshaasi ay gashayna waanu u yeedhaynaa waxaanu ku talo galaynaa arintaas sidii loo dabooli lahaa ee wax looga qaban lahaa si ay dadku biyahooda u helaan, haddii ay been tahay oo uu wasiirku ku degdegayna waa ay soo bixi, haddii tuugo badheedh ah ay dalka ka dhacday oo 157 milyan oo doolar la cunayna waa ay soo bixi.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”anigu mid ayaanan qaadanayn ceelasha la qoday, ee la tijaabiyay, ee la yidhi intaas oo biyo ah ayay soo saarayaan, ee mashruucoodii dadka la siiyay, ee madaxweyne ku xigeenka maanta ee dalku uu qaabilsanaa qaadan maayo waxba kama jiraan. Ciddii umada beenta u sheegtay waa in la soo helaa.”

Cabdiraxmaan Dheero  oo la waydiiyay bal sida uu u arko in uu mashuurcaasi fashilmo waxa uu yidhi”anigu rajo badan ayaan ka qabaa, inkasta oo dalka ay balaayo ku dhacday oo si xun wasiiradisii iyo madaxdiisii ay u baadheen, inaguna waynu ka aargoosanay oo waynu erinay, hadana waxaan leeyahay cid alle iyo cida ay ku cadaato waa in maxkamad la keenaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here