Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Wasiiro Cusub

0
698

Hargeysa (Geeska)-Kal-fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada, oo uu guddoominaayey Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, oo lagu ansixinaayey afar Wasiir oo ka mid ah Wasiiraddii ugu dambeeyey ee uu Madaxweynuhu magacaabo, kana maqnaa Kal-fadhigii hore ee lagu ansixiyey inta badan Wasiiraddii dhawaan la magacaabay.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, markii uu si rasmiya u furay kal-fadhiga isla markaana uu sheegay in afar ka mid ah Wasiiradda Xukuumadda ay Golaha hor yimaadeen si loo ansixiyo, waxaanu Xildhibaanada Golaha Wakiilada ugu baaqay inay cod u qaadan, balse qaar ka mid ah Xildhibaanada gaar ahaan Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa sheegay hawlihii Golaha iyo Xeerarkii u yaalay aan laga mashquulin ansixinta Wasiiradda, ee loo baahan yahay in la gudo galo Xeerarka Golaha u yaala.

Wasiirka Qorsheynta Maxamed Ibraahim (Qabo), oo ugu horeyn Golaha warbixin ka soo jeediyey ayaa yidhi “Wasaaradda Qorsheyntu waa Wasaaradda aad u balaadhan, waa Wasaaradda aasaaska u ah qaranimada, maaha inaga oo kaliya ee Caalamka waa Muraadayada laga arko dawladnimada, Wasaaradda Qorsheynta, waxyaabaha ugu weyn ee aanu maanka ku hayno, waxa ka mid ah qorshihii guud ee horumarinta Qaranka, ee shanta sanno ee soo socda, shanti sanno ee hore wey dhamaaadeen, shanti sanno ee dambe ayaanu imika bilaabaynaa insha allaah, qorshaha ugu talagalnay qorshaha horumarinta ee caalamiga ah, oo ah kii labaad, Somaliya waxay imika sameeysanaysaa kii kowaad, laakiin inagu kii labaad baynu maraynaa, anagoo ka duulaynaa kii hore waxyaabihii khaladaadka ah ee aynu ka galnay, ee aanu ku sameeynay, ayaanu ku saleeynay, waxaana soo gaba-gabaynaynaa maanta oo u dambaysay kii deeq bixiyayaasha,sagaal tababar ayaanu qabanay, muddo 11 bilood ah ayuu soo socday,Gobolada oo dhan ayaa la soo maray, si fiican ayuu nidaamkaasi u socdaa”.

Wasiirka Qorsheyna ayaa mar uu ka hadlaayey Shirka dhacaya London, ayaa yidhi “Waxaanu Darafkiisi bilaabaynaa bishan badhtankeeda, darafka horena waxaanu keenaynaa, oo Shir Guddoonkiinu iman doonaa 1/5/2017, si aynu uga horeeyno shirka dhacaya London, ee Somaliya loo qabanayo, wakhtigii hore waxa la inoo sameeyey SSA,ayeynu ku helnay sanduuqan SDF, oo wixii caawimo ah aynu ku helnay, imikana madaama aynaan Shirka London  ka qayb galayn, laakiin inaynu wax la tagno weeye, waxaan culays badan saaray intii aan Wasaaradda joogay in NDP 2 inaga dhamaado, waxaanu ku dhaw yahay imika dhammaad, 1/5/2017, waanu qayb doonaa, waana hadafka noogu weyn, ee aanu is leenahay Qarankan waa lagu horumarin karaa, waana wax ugu weyn ee ugu mudan ee Wasaaradda qabato”.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa ka hadlay shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta iyo qorshaha uga yaala ayaa yidhi “Shaqo la’aantu wey jirtaa, warbixintii aan Golaha siinayey wixii igu weynayd waxay ahayd, in Shaqada iyo Shaqo abuurka iyo waliba Shaqaalaha laftiisa, in aan aad xooga u saaro, oo aan wax ka bedelo, waxa ugu muhiimsana waxa waaye Shaqaalaha muwaadiniinta ah ee suuqa jooga shaqo ay qaban karayaan, shaqaale ajaanib ah dibadda loogama keeni doono, taas ayaan xooga saari doona, shaqo abuurkaana xooga ayaan saari doona, tababarada lafteeda xooga ayaan saari doonaa”.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Wasiir ku xigeenka Biyaha oo iyana Golaha warbixino ka soo jeediyey ayaa iyana ka xog waramaya xilalkooda, waxayna sheegeen inay waajibkooda shaqo si fiican u gudan doonaan, ugu dambayntiina Afartan Wasiir waa la ansixiyey.

Ansixinta Wasiiradda kadib wuxuu Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiiladu sheegay in maanta oo axada ah si toos ah loo geli doono hawlaha Golaha iyo Xeerarka hor yaala, isla markaana Wasiirka Biyaha oo isna aan wali la ansixin in cod loo qaadi doono.