Golaha Guurtida Oo Muddo Kordhin U Sameeyay Golaha Wakiilada Iyo Xildhibaano Golaha Loo Diiday Inay Galaan

0
967

Hargeysa(Geeska)-Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa muddo xileedkii u kordhiyay  markii shanaad golaha wakiilada ee Somaliland.

Gudi inay ka soo talo bixyaan mudada golaha wakiilada loo kordhinaayo loo saaray ayaa golaha soo hordhigay in bisha 12-aad ee  sanadka 2019-ka ay doorashada wakiiladu qabsoonto isla markaasna mudo xileedka golaha wakiilada ee ahaatan uu ku eekaado bisha koowaad ee sanadka 2020-ka, waxaana sidaas cod gacan taag ah ugu codeeyay 69 xildhibaan sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo shir gudoominayay fadhigan shalay“69 xildhibaan  ayaa soo jeedintii u codeeyay, aniguna ma codayn, todobaatankii sidaas ayuu ku dhan yahay sidaas ayay ansax ku tahay soo jeedinta mudadii xilka ee golaha wakiilada iyo doorashada.”

Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayay mudo xileedkii ugu danbeeyay ee loo kordhiyay uu kaga eegyahay 28/4/2019-ka waxaana hada ay fadhiyi doonaan ilaa 12 bisha koowaad 2020-ka, taas oo ka dhigan in loo kodhiyay sideed bilood iyo maalmo.

Toddoba xildhibaan oo ka mid ahaa gudidii loo saaray inay ka soo talo bixyaan mudo kordhinta oo 25 xubnood ahaa ayaa loo diiday inay golaha guurtida soo galaan, waxaana xildhibaanadan uu guddoomiyaha guurtidu ku eedeeyay inay fadhigii kaga kaceen kadib markii ay cod u qaadeen soo jeedintan, laakiin qaar ka mid ah todobadan xildhibaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lagu cabudhiyay fikrad ay qabeen oo ahayd in mudo kordin laba sano ah loo sameeyo golaha wakiilada si doorashada loogu, diyaar garoobo.

Ugu horayntii waxa xidhibaanadan galaha laga horsitaagay ka hadlay guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanu yidhi  “ waxa jira 7 xildhibaan gudidii golahani uu u saaray inaan ka soo talino mudada aynu galaha wakiilada kordhinayno  doodii markay noo dhamaatay todobadaas xubnood waxay nagaga baxeen shirkii anagoo fadhina 18 ayaanu ku soo hadhnay , waxaas shalayto dhacay ee xubno gudi loo saaray ee la yidhi soo talo bixiya oo tiradii badnayd diida halkii ay martay, golaha guurtida iyo golayaasha baarlamaankuba waxii ay ku kala adkaadaan  waa cod oo gacmo laysula tagi maayo nin walibana xor ayuu u yahay codkiisa meesha  uu marinaayo laakiin tiradii badnayd waxii ay ku taliyeen ayaanu diidnay  dabadeedna waanu baxaynaa walaahi waa dhaqan cusub, waa dhaqan xun waa qaran dumis, caado iyo dhaqan midna inooma aha.”

Dhanka kale xildhibaan  Axmed Dirir oo warbaahinta la hadlaayay kana mid ahaa todobadan xildhibaan ee golaha laga hor istaagay sidan “Waxa nalagu yidhi warqad ayay boolisku hayaan oo waxa la yidhi yaanay soo galin iskumaanu dayin inaanu qasab ku galno amarkii ayaanu qaadanay oo booliska iska hor iman mayno .”

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin Dheeg ayaa faah faahin ka bixiyay waxay isku seegeen shir gudoonka golaha guurtida “Waxaanu xor u nahay oo xalaal u nahay in rayigayaga golaha gudihiisa iyo dibadiisaba aanu ka jeedin karno, waxanu isku qoonsanay in aanu ka shidaal qaadano komishanka warkiisii  iyo sadexda xisbi, oo waxan ay noo sheegeen iyo sida ay wax ku qabsomayaan inaan faalayno , waxa nalagu yidhi mudada aad isleedahay doorasho ayaa ku qabsoomi karta  uun sheeg, 21 kii nin afar mooyaane intii kale waxaanu isku raacnay laba sano ayaa lagu dhamayn karaa iyo waxa lagu dhamayn karaa sanad iyo badh, laba nina waxay yidhaahdeen sanad iyo sagaalna waxaanu ku nidhi laba sano, markuu arkay inaanu badnahay  ayuu yidhi waa inoo bari, habeenkii badh buu nagala degay, maalintii danbena waanu ka badanay oo hadana waa inoo baribuu yidhi, markaanu aragnay sida uu wax u wado todobadayadu meesha waanu iskaga baxnay, waxaanu u badnaynayna laba sano.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here