Golaha Guurtida Oo Maanta La Wada Eegayo Go’aankooda Muddo Kordhitna

0
707

Hargeysa(Geeska)-Shacabka Somaliland ayaa isha ku haya go’aanka ay golaha guurtidu maanta ka gaadhayaan doodihii ay ka yeesheen maalmahan muddo kordhinta loo samaynayo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, ka dib markii ay doorashadu ku qabsoomi weyday wakhtigii loo qorsheeyay oo ahaa March 2017.

 

Golaha guurtida, ayaa maanta isugu imanaya fadhi aad xaasaasi u ah, waxaana laga sugayaa inay go’aankooda ku saleeyaan is afgaradkii dhex maray xisbiyada iyo guddiga doorashada ee ahaa in doorashadu qabsoonto Oktoobar 2017.

Laakiin lama oga in golaha guurtidu ayidi doonaan is afgaradkaas xisbiyada iyo inay khilaafi doonaan, laakiin waxay u badantahay inay ayidaan oo aanay muddo badan ku darin wakhtiga lagu heshiiyay inay doorashadu qabsoonto.

Xisbiyada mucaaradka ayaa muddooyinkan dambe ugu baaqayay golaha guurtida inay ixtiraamaan is afgaradka dhex maray xisbiyada iyo guddiga doorashada islamarkaana ay muddo kordhinta ku saleeyaan qaabkaas la isku raacay, laakiin golaha guurtida ayaa la eegayaa go’aanka ay maanta gaadhaan.