Golaha Guurtida Oo Maanta Gudo-galaya Doodda Muddo Kordhinta

0
710

Hargeysa(Geeska)-Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta gudo galaya doodda mawduuca xaasaasiga ah ee muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha iyo madaxweyne-xigeenka, ka dib markii uu dib ku dhac ku yimid qabsoomidii doorashada ee March 2017.

Fadhiga saaka, ayaa waxa la filayaa in shirguddoonku golaha guurtida horkeeno qoraalkii uu Madaxweyne Siilaanyo u soo gudbiyay ee uu kaga hadlayay dib u dhaca ku yimi doorashada iyo soo jeedinta ay isku raaceen saddexda xisbi iyo guddiga doorashada ee ahaa in Madaxweynaha iyo ku xigeenka loo kordhiyo 7 bilood. Golaha ayaa la filayaa inay dood iyo qiimayn ka yeeshaan muddo kordhintan, lamana garan karo inay guurtidu muddo kordhinta ku salayn doonto is afgaradka xisbiyada iyo guddiga doorashada iyo inay wakhti dheeraad ah ku dari doonto.

Muddo kordhintan loo samaynayo Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Saylici ayaa noqonaysa muddo kordhintii labaad ee loo sameeyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo.