Golaha Guurtida Oo Maanta Fadhi Deg Deg Ah Isugu Yeedhay Golaha Wakiilada Iyo Dareenada Ku Xeeran Go’aanka Laga Filayo Inay Ku Xaaliyaan Khilaafka Jira

0
513

Picture6Hargeysa(Geeska)-Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta fadhi deg deg ah isugu yeedhay mudanayaasha golaha wakiilada, kaas oo ka soo hormaray wakhtigii ay hore ugu qabteen Isniintii doraad oo ku beegan 25 Febarwari.

Qoraal ayay shalay ergadii golaha guurtidu u gudbiyeen guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaas oo ay ku dalbadeen inuu mudanayaasha isugu yeedho maanta shir deg deg ah. Qoraalka guurtida oo uu ku saxeexanyahay guddoomiye xigeenka golaha guurtida Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa u qornaa sidan: “Anaga oo tixraacayna warqadayadii sumadeedu ahayd GG/JSL/47/02/2014-ka kuna taariikhaysan 17/02/2014,kana hadlaysay in fadhiga golaha wakiilada dib loo dhigo ilaa 25/02/2014,ayaanu idinku wargalinaynaa in fadhigii golaha bari loo soo dhigay loo mudeeyay maalinta Arbacada ee ay taariikhdu tahay 19/02/2014, saacadi markay tahay 9:30 subaxnimo.Sidaas awgeed waxaanu idinka rajaynaynaa  inaad sidaas ula socon doontaan,wakhtigana aad dhawri doontaan.”

Si rasmi ah looma oga go’aanka ay golaha guurtidu maanta la horimanayaan golaha wakiilada iyo weliba sababta ka soo dedejisay wakhtigii ay hore u dalbadeen in la siiyo si ay go’aanka uga soo baaraan degaan. Laakiin go’aanka ay golaha guurtidu soo gaadheen ayaa laba mid noqon doona. Waa marka koowaad’e waxa laga yaabaa inay golaha guurtidu go’aamiyaan in codadka guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen lagu ridi karo laga dhigo 55 xildhibaan, taas oo meesha ka saari doonta wax ka bedelkii lagu sameeyay xeer hoosaadka ee labada guddoomiye xigeen ka dhigay cocdadka lagu ridi karo 42 cod, halka uu guddoomiyuhu ka yahay 55 cod.

Qodobka labad ee laga filan karo ayaa ah inay soo jeediyaan in goluhu khilaafka ka dhex taagan ku saleeyo in goluhu codkiisa ku kala baxo, taas oo garabka guddoomiyaha ka soo horjeedaa doonayaan inay codadka guddoomiyaha lagu ridi karo ka dhigaan 42 cod, halka uu wakhtigan ka yahay 55 cod.

Si kastaba ha ahaate go’aanka laga sugayo golaha guurtida ayaa noqon doona mid labada garab ee golaha wakiilada midna ka farxiya midna ka nixiya, waxaanay bulshadu u dheg taagaysaa go’aanka golaha guurtidu ay ku qaboojin doonaan xaaladda ka taagan golaha wakiilada.