Golaha Guurtida Oo Kulamo Kala Duwan La Yeeshay Saddexda Xisbi

0
1057

Hargeysa(Geeska)-Gudidii dhawaan golaha guurtidu uu u saaray inay ka soo talo bixyaan muddo kordinta golaha wakiilada ayaa la kulmay xisbiyada siyaasadda, si ay uga urursadaan xog iyo tallo ku saabsan muddo kordhinta la filayo inay sameeyaan.

Xisbiga talada dalka haya waxa warbaahinta ula hadlay Cabdicasiis Samaale oo ku dhaliilay hogaanka xisbiyada qaarkood inay doonayaan inay doorashada ay galayaan ee madaxtooyada uun mudnaanta siiyaan dubna u riixaan doorashada golayaasha wakiilada iyo deegaanka, waxaana ugu horayntii Samaale oo ka hadlaayay waxa ay u gudbiyeen gudida guurtida uu yidhi“Waxa nalooga yeedhay xarunta golaha guurtida oo saddexda xisbi qaranba u yeedhay waxna naga waydiinayay rayiga iyo talada xisbi walba gaarkiisa doorashada golaha wakiilada anagu xisbiga Kulmiye hadaanu nahay waxaanu dhiibnay talada go’aan iyo fikrada aanu xisbi ahaan qabno oo aad mudo badana aad warbaahinta ka maqlayseen oo ah in doorashadaas golaha wakiiladu ay aad inoogu muddo dhaaftay, waanay jiitantay inbadan dib ayaa loo dhigay sababo sababayba in 2019-ka oo aynu ku jirno aynaan dhaafin oo xiligaas lagu qabto.”

Cabdicasiis Samaale wasiirkii hore ee maaliyada oo la waydiiyay sida ay u suurtoobi karto doorasho aanu xisbiga Waddani ka qaybgalin waxa uu yidhi“Doorasho inuu xisbi diidaaba siday u dhici kartaa taas waa inaad waydiisaan xisbiga, ileen maanta waxa la dooranayaa gole wakiilo saddexdii qof ee shalay tartamaayay maanta tartami maayaan, golaha wakiilada 82 ka ah gobal walba waxa ka tartami doona rag ilmaadeer ah oo sadexda xisbiba iska sharaxi doona, doorashadii aan ku tartamaayay hadaan leeyahay yaanay wahtigeeda dhaafin maxaan u leeyahay ta golaha wakiiladu yaanay wakhtigeedba dhicin, miyaanay xumaan iyo caqli xumaan ahayn, golaha wakiiladu waxa uu joogaa 13 sanadood iyo ka badan, haddii mar walba uu ninka musharaxa madaxweyne ah uu tiisa uun ka fuudh yeelo  oo ta uu galaayo uun uu mudnaanta siiyo, sax maaha markhaatina umadda iyo caalamka ayaa ka ah.”

Dhanka kale xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa sheegay waxay u gudbiyeen gudida guurtida, waxaana u hadlay xisbigaas Cabdirashiid Xasan Maxamed (Basbaas) guddoomiye ku xigeenka labaad, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Anagu Ucid ahaan waxaanu diyaar u nahay mar walba doorashooyinkaasi inay inoo dhacaan oo ay inoo dhacaan 2019 dhexdiisa, ayaanu mawqifkayaga ugu sheegnay wax kale oo aanu u sheegnay waxii talo bixin ahaa ee markaas nagaga aadanaa hadii ay doorashooyinkaasi sidii aynu doonaynay inuugu qabsoomin cawaaqib xumada ay keeni karaan taas oo ah in masiirkii Somaliland iyo dumuqraadiyadii aynu aduunka ka gadaynay inay meesha ka baxayaan.”

Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa inay guurtida u gudbiyeen tallo, laakiin aanayn doonayn inay ka hadlaan inta ay guurtidu war soo saarayso, “Waxaanu ku nidhi guurtida ayaanu ku nidhi ee waxaanu isla garanay inaanu guurtida u dayno war-rmurtiyeeka ay soo saarayaan oo aanu iyaga sugno oo aanaan ka hor hadal.” Ayuu yidhi guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here