Golaha Guurtida Oo Ansixiyay Ajandaha Kalfadhiga

0
639

Hargeysa (Geeska)-Golaha Guurtida ayaa kal-fadhigoodii shalay oo uu Shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ku ansixiyeen anjandaha kal-fadhiga 62aad.

Ajnadaha kal-fadhigan 62aad, oo uu ku jiro muddo kordhinta Madaxweynaha iyo muddo kordhinta Wakiilada, ayaa waxa uu Guddoomiyaha Golaha Guurtidu soo jeediyey in duuduub lagu ansixiyo, balse qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa iyagu soo jeediyey in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo qaar ka mid ah qodobada ajandahan ku jira, qodobadaas oo ay ka mid yihiin Nabadgalyada, arimaha Bulshada ku dhaqanka Diinta, Dhalinyaada iyo qodobo kale, soo jeedinta Xildhibaanada kadibna waxa halkaas ka hadlay  Guddoomiyaha ku xigeenka kowaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali, waxaanu sheegay in wax ka bedel lagu sameeyey kalfadhigan 62aad.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo ugu dambayntii halkaas ka hadlay ayaa sheegay in 68-muddane ay ogoladeen in sidaas lagu ansixiyo kalfadhigan, hal muddane uu diiday, hal muddane uu ka aamusay, isna muu coddeeyn, waxaanu yidhi “68 baynu ku fadhinay, 65 baa ogolaaday, midi waa diiday, midina waa ka aamusay aniguna maan coddeeyn, sidaas buu ku ansax yahay”