Golaha Deegaanka Sheffield Oo Maanta Cod U Qaadaya Aqoonsiga Somaliland Iyo Qodobada Uu Xildhibaanka Mooshinka Diyaariyay Soo Bandhigay

0
701

Picture7London(Geeska)-Golaha deegaanka magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska ayaa maanta cod u qaadaya mooshin uu golaha horgeeyay xildhibaan ka tirsan golahaas oo lagu magacaabo Maxamed Macruuf, oo taageersan qadiyadda Somaliland.

Xubno dhawr ah oo ka tirsan golaha deegaanka ayaa xiiso gaar ah u haya meel marinta mooshinkan uu soo diyaariyay xildhibaan Maxamed Macruuf, kaas oo golaha kaga dalbanayo inay aqoonsadaan Somaliland, maadaama oo ay magaaladaas ku noolyihiin jaaliyad reer Somaliland oo quwad badani. Qodobada Mooshinka xildhibaanka oo lagu faafiyay barta uu golaha deegaanka Sheffield ku leeyahay Internetka, ayaa nuxur ahaan waxa ka mid ah:

Golaha deegaanku wuxuu ogyahay in kumanyaal reer Somaliland ahi ku noolyihiin Sheffield, lana aqoonsanyahay muhiimada taageeradooda ay ku biiriyaan caasimadda iyo xidhiidhka dhow ee ay Sheffield la leedahay Somaliland

Golaha deegaanku wuxuu taageersanyahay jaaliyadda Somaliland ee Sheffield iyo ololahooda ay ugu jiraan in Somaliland qaran ahaan loo aqoonsato, kursina ay ka hesho Qaramada Midoobay,

Goluhu wuxuu ogyahay in ilaa sannadkii 1991 ay Somaliland lahayd dawlad iyo madaxweyne si dimuqraadi ah loo doortay, wakhtigaasna waxa ay qabsadeen afar doorasho oo ay madaxweynayaashu isku bedeleen, waxaanay leedahay xisbiyo mucaarad ah, si toos ahna uma hesho caawimo caalami ah

Wuxuu ogyahay in aqoonsiga Somaliland uu sii adkaynayo degenaanshaha Somaliland, islamarkaana uu abuurayo inay dadku si nabadgelyo ah ugu noolaadaan taageerada beesha caalamka, waxaanu aqoonsigu soo furi doonaa baananka caalamiga ah, shaqooyinka iyo dhaqaalaha

Wuxuu goluhu ugu baaqayaa dawladda [Ingiriiska] inay Somaliland u aqoonsato qaran madaxbanaan islamarkaana ay dawladaha kale ee adduunka ku dhiirigeliso inay sidaas oo kale sameeyaan.

Xildhibaanku, waxa kale oo uu mooshinkiisan ku sheegay inay dawladda Somaliland aaminsantahay in aqoonsiga Somaliland uu sii xoojin doono dimuqraadiyadda gobalka Geeska Afrika, in aqoonsiga Somaliland uu adkayn doono la dagaaanka budhcad badeeda, argagixisada, kalluumaysiga sharci darada ah iyo arrimo kale.

Maanta ayaa isha lagu hayaa fadhiga golaha deegaanka Sheffield oo ay goob joog ka noqon doonaan wasiiro uu horkacayo wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis. Sidoo kale waxa isna goob joog ka ah guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro.