Golaha Deegaanka Sheffield Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyay Aqoonsiga Somaliland, Dabaal-degii Jaaliyada Somaliland Iyo Weedhihii Xildhibaanada

0
630

London(Geeska)-Xubnaha golaha deegaanka magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska, ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyay aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland, waxaanay farriin toos ah u direen dawladda Ingiriiska oo ay ka dalbadeen inay si rasmi ah u aqoonsato.

Xildhibaan Maxamed Macruuf, ayaa golaha ka hor akhriyay mooshinka uu soo gudbiyay ee Somaliland khuseeyay, waxaanu sheegay inay Somaliland xaq u leedahay in golahoodu aqoonsado, isagoo xildhibaanada ka codsaday in lagu taageero aqoonsiga Somaliland.

Golaha deegaanka magaaladaas oo ka kooban 85 xubnood, waxa aqoonsiga Somaliland ogolaaday 84 xubnood, ka dib markii uu shalay golaha mooshinka aqoonsiga Somaliland horgeeyay xildhibaan Maxamed Macruuf oo ka tirsan golahaas. “Haa, waxaanu noqonay caasimadii u horaysay ee aqoonsatay Somaliland. Waanu ku faraxsanahay maalintan taariikhiga ah, waxaana mahadsan cid kasta oo ka shaqaysay.” Sidaas waxa bartiisa twitterka ku yidhi xildhibaan Mazher Iqbal oo ka tirsan xildhibaanada codeeyay, xildhibaanku, wuxuu intaas raaciyay, “Mooshinka waa la meelmariyay. Waa maalin weyn oo taariikh u ah Somalialnd iyo Sheffield.”

Xildhibaan Julie Dore, oo isna ka tirsan golahaas, kana soo jeeda xisbiga shaqaalaha, ayaa bartiisa twitterka ku qoray, “Xisbiga shaqaaluhu wuxuu u gudbin doontaa mooshinkan aqoonsiga Somaliland William Hague [Xoghayaha arrimaah dibadda Ingiriiska].”

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, oo goob joog ka ahaa kulankaas, ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay ka hor codaynta wuxuu ku sheegay in aqoonsiga Sheffield muhiim u yahay jidka ay Somaliland u marayso aqoonsiga. “Somaliland waa qaran nabdoon oo Dimuqraadi ah. Go’aankiinu wuxuu sii adkayn doonaa ololaha aanu aqoonsiga ugu jirno.” Sidaas ayuu yidhi wasiirka khaarajiga Somaliland.

Geesta kale, muwaadiniin badan oo reer Somaliland ah ayaa shalay buux dhaafiyay barxadda golaha deegaanka Sheffield iyagoo soo qaatay calanka Jamhuuriyadda Somaliland. Markii uu goluhu ansixiyay aqoonsiga Somaliland, muwaadiniintii goobtaas joogtay ayaa isla qabsaday sacab iyo mashxarad ay ugu dabaal degeen go’aanka ay goluhu ku aqoonsadeen dalka Somaliland, waxaanay golaha deegaanka Sheffield uga mahadceliyeen go’aanka ay gaadheen oo ay sheegeen inuu jidka u xaadhi doono aqoonsi buuxa oo ay Somaliland caalamka ka hesho.

Muwaadiniinta ayaa shalay muujiyay wadaniyad, waxaanay dhammaantood soo jeeni qaarteen calanka Somaliland, iyagoo xildhibaanada golaha deegaanka Sheffield ay si weyn uga gudoomeen sida ay ugaga mahadceliyeen aqoonsiga ay u fidiyeen dalkooda.