Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay Oo War Culus Ka Soo Saaray Dagaalka Ka Dhacay Tuko-Raq Iyo Farriinta Ay U Direen Labada Dhinac

0
879

Hargeysa(Geeska)-Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay dagaalka Tukoraq, waxaanu dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ugu baaqay in dagaalka shuruud la’aan lagu joojiyo.

War-murtiyeed uu golaha ammaanka Qaramada Midoobay soo saaray wuxuu ku sheegay inay ka walaacsanyihiin dagaalka, waxaanu Somaliland iyo Puntland ugu baaqay inay fuliyaan balan qaad ay sheegeen inay la galeen beesha caalamka.  Golaha ammaanku wuxuu yidhi  “Golaha Amaanku wuxuu walaac ka qabaa dagaalka dhowaan ka dhacay gobolka Sool. Golaha Amaanku wuxuu ugu baaqayaa dhinacyada inay u fuilyaan, si aan dib u dhac lahayn, balan qaadkii ay la galeen bulshada caalamka ee ahayd inay sida ugu dhaqsaha badan u joojinayaan colaadaha oo ay ka mid tahay inay joojiyaan hadalada iyo ficilada xaaladda kor u sii qaadi kara. Wuxuu sidoo kale ugu baaqayaa dhinacyada inay dib ula baxaan ciidamadooda ayna galaan wada hadal. Golaha Ammaanku wuxuu sidoo kale walaac ka qabaa in dagaalku sii xumeeyo xaaladda banii aadantinimo, wuxuuna ugu baaqayaa dhinacyada inay ogolaadaan ayna fudaydiyaan in si buuxda oo nabad aha islamaraakana dhaqso ah iyada oo aan wax caqabad ah la hordhigin in si banii adantinimo ah loo gaadho [goobaha dagalka saameeyey].”

Golaha ammaanku wuxuu ka digay in la carqaladeeyo wax ay ugu yeedheen midnimadii burburtay ee Soomaaliya, “Golaha Amaanku wuxuu hoosta ka xariiqayaa muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo sidii looga hortegi lahaa in xasaradaha iyo khilaafyada gobolku ay ku yeeshaan saamayn xasilooni darro ah iyo inay ku fidaan Soomaaliya, iyo baahida loo qabo in dhamaan daneeyayaasha oo ay ka mid yihiin bulshada caalamku inay si wax dhisaysa uga shaqeeyaan in taageero la siiyo nidaamka federaalka ah iyo hay’adihiisa islamarkaana la ixtiraamo geedi socodka nabad iyo dawlad dhiska Soomaalia.”

Dhinaca kale qoraalka Golaha Amaanku soo saaray oo uu akhriyay gudoomiyaha haantan ee Golaha Amaanka oo ah safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay Dmitry A. Polyanskiy, wuxuu soo dhoweeyey qorsha la doonayo in amaanka Somalia lagu wareejiyo dawladda Somalia oo laga wareejiyo ciidamada nabad ilaalinta ee Afrika (AMISOM).

Wuxuu sidoo kale soo dhoweeyey shir ka dhici doona 25-26 June 2018 magaaladda Brussels ee dalka Belgium. Shirkaas oo logu yeedho Madasha Iskaashiga Somalia (Somalia Partnership Forum.)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here