“Gobolka Maroodijeex Waa Gobolka Ugu Dadka Badan, Uguna Codadka Badan. Wuu Ku Dulman Yahay Kuraasta Wakiilada”

0
1145

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog),oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in Doorashada aanay dhici karin iyada oo aan waxba laga qaban lix arimood, oo kala ah Komishanka, Saami qaybsiga, Tirikoobka, kala xadaynta Gobolada iyo Degmooyinka, Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo in la bixiyo lacagta Doorashada.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya Komishanka iyo Doorashada ayaa yidhi “Xisbiga Waddani wuxuu helay boqolkiiba dhawr iyo afartan, halka Xisbiga Kulmiyena uu helay boqolkiiba dhawr iyo kontan, halka Xisbiga UCIDna uu helay boqolkiiba afar, sidaas oo ay tahay Xisbiga Waddani wuxuu si cad u soo bandhigay xil gudusho la’aanta Komishanka, iyo cadaalada darada ay sameeyeen, sidaas darteed in Doorasho dambe ka xaqsooraan Komishankani maaha, taasna Xisbiga Waddani xaq buu u leeyahay, sida uu Xisbiga Kulmiye uu ugu doodayey in Komishanka laga bedelo wakhtigii Daahir Rayaale ayuu Xisbiga Waddanina ugu doodayaa, markaas Madaxweynuhu iyo Xisbigiisa Kulmiye markii ay Mucaaradka ahaayeen siday u diidaayeen Komishanka, ayuu Waddanina u diidan yahay,Madaxweyne Komishan aad cadaalad daro ka tirsatay adigoo Mucaarad ah, kadibna laga bedellay, ciddina ka yeeli mayso Komishan xaqsoor, garsoor iyo cadaalad aan lagu ogeyn  inay sii joogaan,  ta kale haddii nin uu Basboorkiisku dhacayo bisha kow iyo tobonaad, haddana uu yidhaahdo bisha laba iyo tobanaad ayaan dhoofayaa waa wax lagu qoslo, ee waa in Komishan is leeg oo waliba ku saleeysan habka boqolayd oo Doorashadii sidii loo kala helay lagu saleeya, waxaana wanaagsan in Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani min saddex xubnood keenaan,  Xisbiga UCID-na uu uu keena hal xubin, madaama laga cod badnaa, laakiin Doorasho ay Komishankani qaban karaan ma jirto”.

Xidhibaan Cabdiraxmaan Xoog mar uu ka hadlaayey Saami qaybsiga, tirikoobka,  iyo Doorashada ayaa yidhi “Maxkamadda Dastuuriga ahi waxay xukuntay in Doorashada lagu galo Saami qaybsi, waxaana haboon in marka hore guud ahaan Shacabka reer Somaliland loo sameeyo  tirikoobo, isla markaana kala xadayntii Gobolada la sameeyo, oo waliba Diiwaangelinta Doorashadana la sameeyo, maxaa yeelay dad badan oo aan Doorashadii hore ka qayb galin iyo kuwa aan qaangaadhin ayaa jira, marka qodobadan la helo iyana waa muhiiim, waxaa kale oo iyana daruuri ah in la helo lacagtii Beesha Caalamka, gaar ahaan Wadamada Somaliland Doorashooyinka ka caawiya”.

Xidhibaan Cabdiraxmaan Xoog mar uu ka hadlaayey Gobolka Maroodijeex ayaa yidhi “Gobolka Maroodijeex waa Gobolka ugu dadka badan, uguna cododka badan, maxaa yeelay ilaa laba milyan oo qof ayaa ku nool, waana labaatan kursi oo qudha, waxaana odhan karaa Gobolka Maroodijeex uu ku dulman yahay Kuraasta Wakiilada, oo xittaa Gobolada kale halka lagaga soo baxo todoba boqol oo cod, Maroodijeex dhawr kun oo cod baa lagu dhacay, in wax laga jaro iska daa’ ee waxay u baahan tahay in wax loogu kordhiyo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here