Gobbaa Caydhawday Balse Yaanay Dhaxamoon W/Q: Naasir Yuusuf Daahir (Naasir-naska)

0
581

Allaa deeqda baxshee, ha asturo ummaddiisa, waxan inyar ka taaban doonaa aniga oo eegaya xaalada ay ku sugan yihiin walaaleheena ay saamaysay abaartu kuna sugan qaar ka mida gobolada dalka gaar ahaan kuwo aan anigu indhaha ka soo qaaday ee ku sugan gobolka Awdal, degmadiisa Qolujeed.

1

waxa hubaala in shacbi, dawlad iyo gacmo kale oo badani ay u guntadeen sidii dadkaasi loogu gurman lahaa ee loola gaadhi lahaa gargaar u badna cunto iyo biyo, balse anigu waxa aan dareen ka duwan kaasi ku talin lahaa in dadkaasi oo ah dad run ahaantii aan odhan karo waa gob caydhawday oo xoolihii kaga dhamaadeen abaartii baahsanayd ee haleeshay intii xoolaha lahayd ee ay hore ka soo wateen wixii raaci karayey ee ay islahaayeen ha idin badnaadeen waxa ay noqdeen kuwo ku nafwaayey duleedka goobtii la dejiyey dadkaasi oo aan indhaha ka soo qaaday iyadoo loo qoday god weyn oo lagu aasay xoolihii si aanay xanuuno uga dhalan bakhtigooda, waxanan dadkaasi u dhex maray mid mid walaw aan damqaday oon suaali kari waayey suaalo badan oo markaasi iga dhex guuxayey, haseyeeshee soomaalida ayaa ku maahmaahda ishaa macalin ah ee dadkaasi waxa aan ku arkay wax sanku neefleh ah hadii laga tegi waayo weliba dameer aad u daranyeysan oo ku xidhnaa mid ka mida goobihii aan isha la raacay kaasi oo aan la haleelay sawirkan idinka muuqda halkan.

Hadaba hadal badan danbaa dhaanta ayaa la odhan jiraye waxa aan goobtaas ku arkay, hooyooyin aabayaal iyo caruur aad u yaryar oo ay ka muuqato, niyad sami iyo rajo ay ka naawilayaan ilaahay iyo ummadiisa, waxanay ahaayeen kuwo faraxsan oo u sacabo tumayey weftigii madaxweynuhu hogaaminaayey ee u damqaday shacbiga soona dul istaagay kana wardoonay baaxada ay leedahay abaarta saamaysay kumanaanka qoys ee ku caydhoobay, 

ugu danbayn waxa aan soo jeedin lahaa ka fikir ahaantay in dadkaasi lala gaadho madaama uu bilaabmay roobkii la rajaynaayey Allena dadkiisa ka soo furtay abaartii iyo biyo la'aantii, Baco ay roobka ka galaan, bustayaal ay dhaxanta ka huwadaan, iyo gogol madaama oo aanay intaaba haysan qaar badan oo dadkaasi ka mid ahi ka dib markii ay nafahooda uun ula soo carareen, kuna soo eerteen meeshii ay isyidhaahdeen waad ku badbaadi kartaan.

Waxanan ku bogaadinayaa cid kasta oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Qaranka Somaliland dedaalka ay ka geysteen gurmadka abaaraha dalka saameeyey oo aan odhan karo mid yar iyo mid weyn looma kala hadhin shacbiga dhibaataysan ee walaaleheen ah.

 By Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)

Hargeysa/Somaliland