“Go’aanka [Xalintii Khilaafka Wakiilada] Haddaan Eray Ka Idhaahdo Maanta Dhinacyadii Is Hayay Cid Guul Sheegan Kartaa Ma Jirto, Waayo Qarankaa Guulaystay”

0
423

Picture8Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha guuritida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay khilaafkii dhawaan la soo gunaanaday ee golaha wakiilada kala irdheeyay.

Guddoomiye Saleebaan Gaal waxa uu go’aankii ay soo saareen golaha guuritdu ku tilmaamay mid dalka  badbaadiyay, waxaanu ugu baaqay hoggaanka golaha wakiilada inay dhamaystaan waxii xaal xaal ah ee arintaas ka dhiman.Sida oo kale waxa uu guddoomiye Saleebaan baaq nabadeed u diray deegaanada Oodweyne oo dhawaan aano aqabiil loogu dilay taliyihii degmada Xaaji Saalax. Waxaanu arimahan kaga hor hadlay fadhigii u danbeeyay ee golaha guurtida oo shalay fasax galay.

Ugu horayntii guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka hadlaayay xildhibaano ka tirsan aqalka guuritda oo ay u direen Adhi-cadays waxa uu yidhi “Golaha guurtidu shaqo wayn ayey qabteen, waxaana ay qaranka u qabteen hawl dalku u baahan yahay gobalka Sool gaar ahaan degmada Adhi-Cadays ee uu ka dhacay dilku,iyaga ayaa qaylo dhaan soo dirsaday oo golahii guurtida oo nagu soo noqda mooyaane waxa noo hagaagi doonaa ma jiraan, markaas waftigii waa tagay waxaan u rajaynayaa guul wayn.”

 Intaas kadib guddoomiye Saleeban waxa uu ka hadlay arinkii golaha wakiilada iyo aragtidiisa go’aankii laga gaadhay, waxa uu yidhi “Waxa hawl culus ahayd golahan iyo raggii loo saarayna aan aad ugu bogaadinayaa iyo raggii loo saaray ee dhex galay arintii dhextiil hoggaanka golaha wakiilada,way ina-gilgileen,waxba ha yaraysanina,hawl qurux badan ayay guuritdu ka qabteen,rag waxa ugu balaysan ninka tolkii oo gorada isla galay kala dira ee wanaag ku kala dira. go’aanka haddaan eray ka idhaahdo maanta dhinacyadii is hayay cid guul sheegan kartaa ma jirto, haddii guul laga tagi waayo qarankaa guulaystay oo aad u hiiliseen, waana Alle mahadii, maslaxana waxa ugu roon ta aan la kala guulaysan,laakiin qaranku waa uu guulaystay oo dhibaatadii ay is yidhaahdeen dhib ayaa idinku soo fool leh, waad xaliseen, insha Allaah waxii naash naash ahna iyaga ayaa dhamaysan, waxaan ku rajo weynahay in aanay inoo baahan doonin.”

Ugu danbayntii waxa uu Guddoomiyaha golaha guuritda Saleebaan Maxamuud uu ka hadlay taliyihii lagu dilay degmada Xaaji-saalax “Habeen hore wax magaaladda Xaaji Salaax ka dhacay dhib aad u xun oo nin taliye ka ahaa degmada xaaji Saalax lagu dilay, waxaan odhan karaa waxa uu ahaa arin aan wanaag sanayn,arinta habeen hore dhacay waa arin soo noq-noqatay oo inooga baahan in aynu da’daal dawladeed iyo mid beleedba laga galo, waxa iska dabo tagay laba nin oo ah laba madax ah.”

Guddoomiye Saleebaan waxa uu baaq nabadeed udiray labada beelood ee uu dilku ka dhexdhacay, waxaanu usoo jeediyey golaha guurtida in deegaankaas laga gaadho go’aan mideeya labada beelood, waxaanu u saaray gudi.